​Save The Children "51% waxbarasho ma helaan gabdhaha ku nool Puntland"

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE- Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Camay ayaa maanta ka qayb galay munaasabad looga hadlayey waxbarashada dhallaanka gaar ahaan gabdhaha gayiga Somaliyeed siiba Puntland.

Kulankan oo ay soo qaban qaabisay hay'adda Save The Children, ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray arrimo ay ka mid tahay gudniinka fircooniga ah iyo qaabkii looga cirib tiri lahaa Somalia.

Munaasabaddan oo lagu casuumay dhallaan aad u da'yar, ayaa waxaa kala soo qayb galay mas'uuliyiinta wasaaraddaha Haweenka, Waxbarashada,Cadaalada iyo Ha'yadda Save the children.

Ha'yadda Save,  ayaa sheegtay in ka badan  51% gabdhaha gaaray da'da waxbarashada ee ku nool Puntland inaysan helin waxbarasho, waxayna sabab uga dhigtay inay yar yihiin fursadaha waxbarasho iyo waalidka oo ubadka u kala doorta tacliinta islamarkaana muhiimadda siiya Wiilasha.

Waxay intaasi ku dartay in dalka Somalia yahay waddanka ugu badan ee laga sameeyo gudniinka gabdhaha Caalamka,  98% Haweenka waxaa loo gudaa gudniinka fircooniga ah,  45% gabdhaha ayaa la guursada iyagoo ka yar 18 sano, siday sheegtay Ha'yaddu.

Ku simaha madaxa Ha'yadda Save the Children ee Soomaaliya Ian Vale ayaa yiri "in la gaaro ilmo kasta oo aan helin adeegyada nololeed ee asaasiga ah waa hadaf laga miro dhalin karo, wuxuuna sidoo kale yiri wiilkayga iyo gabadhayda waxaan u samayn doona waxkasta oo ay xaq u leeyihiin,  si ay u helaan nolosha ugu fiican ee suuro gal ka ah"

Wasiirka Waxbarashada Puntland Abshir ow-Yusuf Ciise oo ka hadlay Munaasabadda ayaa sheegay in wasaaradda waxbarasahada ka go'an tahay sidii gabdhaha ku nool deegaanada Puntland ku heli lahaayeen waxbarasho dhamaystiran, isagoo tilmaamay inay tahay masuuliyad saaran.

Anisa Xaaji Muumin wasiirka Haweenka iyo arimaha bulshada Puntland ayaa ugu baaqday dhamaan bulshada reer Puntland iyo Siyaasiyiinta inay ka qayb qaadaan joojinta gudniinka fircooniga ah, islamarkaana ay garab siiyaan waxbarashada gabdhaha.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji oo munaasabadda daah furay ayaa sheegay in waxbarashada gabdhuhu ay faa'iido u leedahay bulshada, gabadhuna tahay  miro soo baxaya, oo goortay bislaadaan la gurto.

Wuxuu tilmaamay in haweenku maanta intooda badan ay masuliyadda qoysaska badan  iyagu hayaan, Ha'yadda Save the Children ayuuna ku amaanay barnaamijkan ay kaga hadlayso waxbarashada gabdhaha iyo gudniinka fircooniga ah.

Intii kulankan socday, waxaa dhallaankii kasoo qayb galay la weydiiyay aragtiida ku aadan mustaqbalka waxay ku haminayaan, waaxaana sidoo kale loo qaybtay tar-tar muhiimaddiisa lagu sheegay in waxbarashada lagu dhiiri galiyo iyadoo la guddoonsiiyay shahaadooyin hay'addu bixisay.

Gaba-gabadii ayaa mas'uuliyiinta dowladda iyo kuwa hay'adda Save, waxaa la weydiiyay arrimo khuseeya sababta dhallaanka Somaliyeed goobaha waxbarashada ku yareeyay iyo qaabka looga gudbi karo caqabadahaasi, waxaana madaxda Puntland sheegeen inay qorshe u dajiyeen sidii muhiimadda loo siin lahaa carruurta.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Difaaca Puntland oo Guulo Ka Gaaray Dagaalka Dhulka ee Ka Dhanka ah ISIS

Dhinaca kale, khubaro dhinaca amniga ah ayaa ku tilmaamay guushan mid wiiqaysa awoodda kooxda ISIS ee gobolka Bari.

  • Puntland

    20-01-2025

  • 11:35AM

Soomaaliya: Puntland oo horumar weyn ka sameysay Howlgalka Hilaac ee ka socda G/Bari

Dagaalyahannada ISIS ayaa la kulmay khasaare weyn toddobaadyadii u dambeeyay kadib markii Madaxweynaha Puntland.

  • Puntland

    14-01-2025

  • 10:39AM