​Shacabka Garowe oo ka cabanaya Sicir-barar [Dhagayso]

Image

GAROWE, Puntland- Shacabka ku nool magaalada Garowe caasumadda Puntland, ayaa walaac xoog leh ka muujiyay kor u kac ku yimid sarrifka lacagaha qaalaad gaar ahaan Dollarka oo iminka $1 lagu sarifayo Shilin Somali dhan 28,000.

Arrintan oo muddooyinkii dambe ka taagnayd deegaanada Puntland, ayaa timid kadib markii xukuumadda uu hogaamiyo Madaxweyne Cabdiwali Gaas daabacday lacago Faalso ah oo lagu baahiyay suuqyada waaweyn.

Dadka danyarta ah ayaa saamaynta ugu badan gaartay, kadib markii uu qiimo dhacay Shilin Somaliga oo kor u kacay doollarka taasoo keentay in ganacsato dhankaas u janjeersadaan.

Qaar kamid dadka ku nool magaalada Garowe, oo la hadlay Radio Garowe  barnaamijkeeda Ra'yiga dadweynaha oo diiradda lagu saaray xaaladdan iyo doorka ay ku leedahay wasaaradda Maaliyadda, waxayna sheegeen  inaysan jirin cid wax ka qabatay xaaladdan iyadoo horay wasaaraddaas iyo maamulka gobolka u ballanqaadeen in halkii Dollar lagu sarrifi doono 24,000shs.

Dadka ayaa tilmaamay in sicir bararka ka jira magaalada Garowe ay mas'uul katahay dowladda iyagoo ku eedeeyay inay daabaceen lacago badan oo faalso ah.

Dadweynaha, ayaa sidoo kale tilmaamay in arrinta looga gudbi karo in la sameeyo bannaanbaxyo looga cabanayo sidii wax marxaladdan wax looga qaban lahaa islamarkaana loo hakin lahaa lacagaha faalsada ah ee dowladdu samaynayso.

Majirto ilaa hadda cid katirsan dowladda oo ka hadashay sicir bararka ka jira magaalada Garowe iyo guud ahaan deegaanada Puntland iyadoo sidoo kale abaar xooggan ka jiraan dalka, taasoo ay sii dheertahay mushahar la'aan lasoo daristay tan iyo markii uu xilka qabtay Madaxweyne Gaas shaqaalaha dowladda iyo ciidamada qalabka sida.

GAROWEONLINE

Related Articles

Maxay Tahay Tallaabada ay Puntland Qaadeyso Haddii Dowladda Federaalka Faragelin ku Sameyso Amnigeeda?

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadda Puntland ay heegan buuxa ku jiraan...

  • Puntland

    01-07-2026

  • 11:03AM

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM