​Shacabka Garowe oo ka cabanaya Sicir-barar [Dhagayso]

Image

GAROWE, Puntland- Shacabka ku nool magaalada Garowe caasumadda Puntland, ayaa walaac xoog leh ka muujiyay kor u kac ku yimid sarrifka lacagaha qaalaad gaar ahaan Dollarka oo iminka $1 lagu sarifayo Shilin Somali dhan 28,000.

Arrintan oo muddooyinkii dambe ka taagnayd deegaanada Puntland, ayaa timid kadib markii xukuumadda uu hogaamiyo Madaxweyne Cabdiwali Gaas daabacday lacago Faalso ah oo lagu baahiyay suuqyada waaweyn.

Dadka danyarta ah ayaa saamaynta ugu badan gaartay, kadib markii uu qiimo dhacay Shilin Somaliga oo kor u kacay doollarka taasoo keentay in ganacsato dhankaas u janjeersadaan.

Qaar kamid dadka ku nool magaalada Garowe, oo la hadlay Radio Garowe  barnaamijkeeda Ra'yiga dadweynaha oo diiradda lagu saaray xaaladdan iyo doorka ay ku leedahay wasaaradda Maaliyadda, waxayna sheegeen  inaysan jirin cid wax ka qabatay xaaladdan iyadoo horay wasaaraddaas iyo maamulka gobolka u ballanqaadeen in halkii Dollar lagu sarrifi doono 24,000shs.

Dadka ayaa tilmaamay in sicir bararka ka jira magaalada Garowe ay mas'uul katahay dowladda iyagoo ku eedeeyay inay daabaceen lacago badan oo faalso ah.

Dadweynaha, ayaa sidoo kale tilmaamay in arrinta looga gudbi karo in la sameeyo bannaanbaxyo looga cabanayo sidii wax marxaladdan wax looga qaban lahaa islamarkaana loo hakin lahaa lacagaha faalsada ah ee dowladdu samaynayso.

Majirto ilaa hadda cid katirsan dowladda oo ka hadashay sicir bararka ka jira magaalada Garowe iyo guud ahaan deegaanada Puntland iyadoo sidoo kale abaar xooggan ka jiraan dalka, taasoo ay sii dheertahay mushahar la'aan lasoo daristay tan iyo markii uu xilka qabtay Madaxweyne Gaas shaqaalaha dowladda iyo ciidamada qalabka sida.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM