Shakiga laga qabo ciidanka Turkiga tababaro oo xoogeystay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxwaynaha dowladda Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni oo xalay ka jeediyey Madasha PDRC Talks khudbado dhinacyo taabaneysa, ayaa shaki xooggan wuxuu ka muujiyey qaabka loo tababaro ciidamadda kumaandooska Gorgor iyo Booliska sidda gaarka ah u tababaran ee Haramcad.

Sidda laga soo xigtay Deni, askartan oo dowladda Turkiga ay tababartay ayaa hab-dhaqankooda wuxuu aad ugu dhow-yahay qaabka ay u shaqeyso Al-Shabaab.

Deni oo tuhunkiisa ku xoojiyey sheegashooyin uu madaxwenaha waqtiga ka dhamaadey kaga yimid oo ah in uu haysto ciidamo daacad u ah isaga ayaa cod dheer wuxuu ku sheegay in ciidamaddan aysan ahayn wax naxariis ah.

"Gorgorkan la sheegayo anigu waxaan maqlay maalin la yiri Galmudug ayaa la keenayaa. Gedo in la geeyayna waa maqlay. Goobta saddexaad oo ay ka dagaalameen waxay noqotay Daljirka Daahsoon. Haramcad iyo Gorgor meel kale oo ay ka dagaalameen [ma ii sheegi kartaan?]," ayuu hadalkiisa ku bilaabay.

Hogaamiyaha Puntland ayaa intaas wuxuu ku daray: "Aniga waan baaray waxaa iri 'ciidankan intee la eg-yihiin'? Waxaa la iigu sheegay ciidamaddu Turkigu tababaray oo la isku dardaray oo aniga aan hadda sheegeyn oo dadka ka nixinaayo oo tirro badan oo dabaadaad wata; hadda hal maalin Shabaabka ma aadin wadada Afgooye iyo Xamar isku xirta waa xiran tahay; Huriwaa lama tagi karo. Gorgorkan haddey dadka wax u qabanaayaan jidadka may furmaan".

Askartan waxay isugu jiraan dhalinyaro wax ku baratay waddanka oo Turkiga tababaray, saraakiil hore uga tirsanaa hay'adda NISA iyo Al-Shabaab.

"Niman meel ay ku jiraan ciddi aysan arag aniga hadda wax lagu akhriyey ma garanaayo. Awal waxaa la lahaa Soomaalida saas lama yeeli karo. Laakiin ogaaga Soomaalida Soomaalidii aan naqaanay ma ahan illaa Al-Shabaab siday ka dhigtay waa la arkay Soomaalida; in ay is-qarxiyaan, dadka gowracaan; nimankan [ciidamadda Haramcad iyo Gorgor] shaki weyn ayaa iiga jira. Wax naxariis oo ay leeyihiin ma jirto. Maxaa yeelay hadaan ka dhigi wayno oo dalkan dagaal sokeeye ka dhaco oo qabaa'il la isku laayo oo xoog la isku sheegto oo dalka dabaabaad la jiirsiiyo annagaa dambiileyaal noqoneyno," ayuu hoosta ka xariiqay.

Xaqiijinta dhexdhexaadnimadda ciidamadda ayaa la rumeysan yahay in ay qeyb ka noqon karto in uu soo degdego xalka, waxaana la saadaalinayaa in ammaanka doorashooyinka Soomaaliya gabi ahaanba laga mamnuuci karo askarta Soomaalida taa soo burburineysa rajada in bedelaan dhigoodda AMISOM.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Puntland oo horumar weyn ka sameysay Howlgalka Hilaac ee ka socda G/Bari

Dagaalyahannada ISIS ayaa la kulmay khasaare weyn toddobaadyadii u dambeeyay kadib markii Madaxweynaha Puntland.

  • Puntland

    14-01-2025

  • 10:39AM

Soomaaliya: Muxuu Axmed Madoobe Ka Yiri Howlgalada Puntland ee ka Dhanka ah Daacish?

Madaxweynuhu wuxuu si gaar ah u xusay guulaha muuqda ee Puntland ay ka gaartay howlgalka Hilaac.

  • Puntland

    14-01-2025

  • 08:51AM