Shir dib loogu eegayo siyaasadda waxbarashada oo Garowe ka furmey

Image

March 15, 2015 (GO)- Magaalada Garowe waxaa maanta ka furmaya shir ku saabsan dib u eegista siyaasadda waxbarashada ee Puntland.

Shirkan oo socon doona muddo labo maalmood ah wuxuu ka dhacayaa xarunta Hay'adda Cilmi-baarista Puntland ee PDRC.

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland ayaa shirka soo qaban qaabisey, waxaana kasoo qayb gelaya mas'uuliyiin uu kamid yahay Madaxweyne Gaas iyo Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya oo iyadu shalay Garowe soo gaartey.

Sidoo kale waxaa shirka lagu casumey wufuud caalami ah oo ka socota deeq bixiyeyaasha iyo hay'adaha Puntland ka taageera dhanka waxbarashada.

Muddada labada maalmood ah ee kulankani socdo waxaa lagu soo bandhigi doonaa horumarka Puntland dhanka waxbarashada ka sameysey iyo weliba qorshaheeda waxbarasho ee shanta sano ee soo socota.

January 25, 2015 ayey ahayd markii la ansixiyey manhajka cusub ee waxbarashada Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM