​Shirka Beesha Leelkase oo lagu go’aamiyay in xubno lagu daro Barlamanka Puntland

Image

GAROWE, Puntland- Waxaa goordhow la filayaa in lasoo afmeero shir muddo Bil ah magaalada Garowe uga socday qaar kamid ah Isimada Puntland iyo waxgaradka beesha Leelkase kaasoo looga hadlayay sidii loo kordhin lahaa tirada Xildhibaanada Puntland ee hadda ka kooban 66 mudane.

Arrintan ayaa keentay kala aragti duwanaan xoog leh oo ku saabsan shirka, saamaynta ay ku yeelan karto midnimada iyo inuu baalmarsanyahay Dastuurka Puntland taasoo la sheegay in waqtigan isimadu aysan u furnayn dooda la xariiirta Kordhinta Barlamanka.

Qodobka 60aad ee Dasturka Puntland ayaa diidan in la kordhiyo tirada xildhibaanada Barlamanka tan iyo inta tirkoob lagu sameynayo shacabka degaanada hoos taga Puntland.

Dhinaca kale talabadaan ayaa waxaa diidey siyaasiyiin uu kamid yahay madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxman Farole, Gen Cabdulahi Siciid iyo kuwa kale kuwasoo tilmaamey in Dasturka Puntland waqtigaan la furi karin.

Shirkan oo ay daba ka riixayso xukuumadda uu hogaamiyo Madaxweyne Gaas, ayaa mudada uu socday dhowr jeer qarka u fuulay inuu bur-buro maadama la isku af-garan waayay ajandayaasha qaybtood.

Qaar ka tirsan madax qabileedyada ayaa soo jeediyey in cidsi kaas lamid ah qaban balse loo sheegey in gogol kale dhigteen madaama fadhigaan kharashka lagu qabanayo beesha Tanade la baxdey.

Wararka uu helayo Garowe Online ayaa sheegay in xubnaha shirkaas ka qayb galay iyo beesha Tanade Daarood ay isku raaceen in la kordhiyo tirada Barlamanka Puntland oo lagu daro 4 xubnood.

Saxaafadda ayaa saaka ilaa labo jeer loo yeeray iyadoo la doonayay in la shaaciyo natiijada kasoo baxday kulankaas, balse waxaa is-hortaag ku sameeyay qaar kamid ah Isimada oo codsaday in arrintan lala sugo dowladda loona gudbiyo. Waxay ku andacoodeen in laga war dhowro go’aanka dowladdu ka qaadato hishiiska ay gaareen qayb kamid ah isimada Puntland iyo beesha Leelkase.

Kulanka ilaa bilowgiisii waxaa ka maqnaa Isimada muhiim ka ah degaanada Puntland kuwaasoo ka gaabsadey ka qayb galkiisa. 

Lama oga sida loo kordhin doono tirada Xildhibaanada, taasoo ay horay u diideen golaha wakiillada oo warqad codsi ah uga timid Madaxweyne Gaas, iyagoo ka digay in buuq ka dhasho furista Dastuurka Puntland oo dhigaya in Afti dadweyne lagu furi karo.

Beesha Leelkase ayaa horay golaha ugu lahayd 3 Xubnood, waxaana hadda la is-weydiinayaa in tallaabadan ay horseed u noqon karto in cid kasta oo tabasho qabtay keento dood la xariirta in la xalliyo baahidooda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Duqeyn lala eegtay maleyshiyaad ku dhuumaaleysaneysay buuraleeyda gobolka Bari

Saraakiil katirsan ciidanka dowladda ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in duqaynta lagu diley malayshiyaadkii ku dhuumaalaysanayey saldhiggaasi.

  • Puntland

    02-01-2025

  • 06:37AM

Madaxwayne Deni oo booqdey dhaawacyada weerarkii la fashiliyay ee ISIL

Madaxwaynaha ayaa boggaadiyey sida geesinimada leh ee Ciidanka Dowladda Puntland ay u guteen waajibkooda.

  • Puntland

    31-12-2024

  • 03:43PM