​Shirka golaha wasiirrada Puntland oo xaaladda Bosaso looga hadlay

Image

GAROWE, Puntland- Kulan uu shir guddoominayay Madaxweyne Gaas ayaa maanta ka dhacay magaalada Garowe caasumadda Puntland, kaasoo ahaa shir khamiiseedka golaha wasiirrada.

Waxaa looga hadlay arrimo ay kamid ahaayeen ammaanka Bosaso iyo abaaraha baahsan ee dalka ka jira.

Kulankaas ayaa lagu falanqeeyay arrimaha xarunta gobolka Bari, waxaana la isla qaatay in la sameeyo howlgal deg deg ah oo ku saabsan sidii magaalada looga sifayn lahaa kooxaha xiriirka la leh Al Shabaab.

Dowladda Puntland, ayaa war-saxaafeed kasoo baxay kulankaas ku sheegtay inay ku filantahay amnigeeda islamarkaana kacagta kusoo dhigi doonaan shakhsi kasta oo isku daya inuu carqaladeeyo amniga dadka iyo dalkaba.

Hadalkan ayaa yimid xilli magaaladaas amnigeedu aad u xumaaday bilooyinkii dambe iyadoo lagu dilay saraakiil iyo shacab kala duwan kuwaasoo ilaa hadda gacanta aan lagusoo dhigin dadkii fuliyay.

Dhinaca kale, Madaxweyne Gaas ayaa ka waramay xaaladda dadka u naq-raacay gobollada dhaca Bariga Puntland, wuxuuna xaqiijiyay inay ku suganyihiim marxalad adag oo u baahan in wax laga qabto.

GAROWEONLINE

Related Articles

Maxay Tahay Tallaabada ay Puntland Qaadeyso Haddii Dowladda Federaalka Faragelin ku Sameyso Amnigeeda?

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadda Puntland ay heegan buuxa ku jiraan...

  • Puntland

    01-07-2026

  • 11:03AM

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM