Shirka labaad ee daneeyeyaasha PL oo Garowe ka furmay

Image
Image
Image
Image

February 3, 2015 (GO)- Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta si rasmi ah u daah furay shirweynaha labaad ee daneeyeyaasha Puntland.

Shirkan oo soconaya muddo dhan saddex maalmood ayaa waxaa ka qeyb galkiisa lagu casumay Wasiiro, agaasimayaal , gudoomiyaasha gobolada iyo degmooyinka Puntland, madax ka socotay hay'adaha Puntland, xubno ka socdey beesha caalamka iyo marti sharaf kala duwan oo isugu jirtey rag iyo dumar.

Ujeedka kulanka ayaa ah in la abuuro madal ay ka qeyb galayaasha shirweynaha daneeyayaasha Puntland ay dib ugu milicsadaan ugana wada xaajoodaan caqabadaha Puntland ka haysta dhinacyada amniga, saraynta sharciga, dimuqraadiyeynta Puntland iyo maamul baahinta ilaa heer degmo.

Waxaa sidoo kale ujeedooyinka shirka kamid ah in la falanqeeyo lana meel-mariyo natiijada ka soo baxday sahaminta barnaamijka tiirarka nabada, iyadoo looga gol-leeyahay in la soosaaro xal wax looga qabankaro kuna haboon wacyiga iyo daruufaha ka jira Puntland.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo shirka furay ayaa sheegay in saddexda ajande ee shirka looga hadlayo cilmibaaristana lagu sameeyey ay yihiin kuwo saldhig u ah dawladnimada iyo jiritaanka Puntland.

Gaas ayaa sidoo kale sheegay in hadii sharcigu dadka ka sarayn oo aan loo hogaansamin inaan marnaba la gaareyn dawladnimo dhamaystiran, sidaas darteed ay khasab tahay in loo hoggaansamo sharciga.

Shirweynihii koowaad ee daneeyayaasha Puntland waxaa la qabtay sanadkii 2010, waxaana xiligaasi lagu asteeyey caqabadihii ka jiray tiirarka asaaska u ah dawladnimada oo ay gu muhiim saneyd tiirka amniga iyo sareynta sharciga .

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM