Shir looga hadlayo ammaanka Nugaal oo Garowe ka furmey

Image

February 24, 2015 (GO)- Magaalada Garowe waxaa maanta ka furmey shir looga hadlay amaanka iyo horumarinta gobolka Nugaal. Shirka oo gogoshiisa maamulka gobolku dhigey, waxaa kasoo qayb galay isimmo, nabadoonno, aqoonyahan iyo culimaa'uddiin. 

Gudoomiyaha gobolka Nugaal Cabdulaahi Ciise Aw-axmed oo ugu horayn ka hadlay furitaankii shirka, wuxuu sheegay in ujeedada loo soo qaban qaabiyey tahay sidii laysaga kashan lahaa xoojinta nabadgelyada islamarkaana isimmada iyo waxgaradku arintaas taladooda ugu biirin lahaayeen.

Qaar kamid ah nabadoonnada gobolka oo goobta ka hadlay ayaa hoosta ka xariiqey muhiimadda ay leedahay sugidda ammaanku iyagoo soo jeediyey in dhammaan qaybaha bulshadu xil iska saaraan sugidda amniga gobolka gaar ahaan magaalada caasimadda ah ee Garowe.

Kulankan ayaa ah kii labaad ee noociisa ah ee intii lagu guda jirey bishan February Garowe ka dhaca, wuxuuna kusoo aadayaa dhowr maalmood kadib markii xilalaka laga qaadey qaar kamid ah saraakiisha laamaha ammaanka, arintaasoo xiisad kooban dhalisey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo burcad-badeed ka badbaadiyey markab shidaal siday

Sida wararku sheegayaan, burcad-badeeddu waxay dalbanayeen madax-furasho dhan $3 milyan si ay u sii daayaan markabka.

  • Puntland

    29-09-2026

  • 12:18PM

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM