Shirka Wadatashiga Xeerka Warbaahinta oo la soo xiray [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

20 Septembar, 2015(GO)-Waxaa maanta magalada Garowe lagu soo gaba gabeeyay kulan looga doodayay qaybo ka mid ah xeerka warbaahinta Puntland.

Dooda qodobadaasi laga yeelanayay, waxaa soo qaban qaabisay ururka warbaahinta Puntland ee MAP, waxaana ujeedkiisu ahaa sidii daneeyayaasha warbaahinta Puntland uga talo bixin lahaayeen qodobada ku jira xeerka ee doodu ka taagantahay

Labo maalmood  oo wadda xaajood iyo dood  dhex martey dhinacyada kala duwan oo ka mid ahaayeen mudanayaasha Barlamanka, bulshada rayidka iyo warfidiyeenka Puntland ayaa waxaa ka soo baxey talooyin loo arkey in lagu xallin karo caqabadaha ku jira xeerka warbaahinta Puntland.

Waxaana la isku raacey; 

1.    In la sameeyo guddi ka kooban: 

  •  Xubno qaanuun iyo sharci yaqaano ah
  •  Xubno wasaarada warfaafinta ka socda
  •  Xubno suxufiyiin ah(MAP)
  •  Xubno bulshada raydika ah.

Guddigaas ayaa dib u eegis ku samayn doona qodobada cabashada laga muujiyay iyadoo loo eegayo maslaxadda guud iyo danta dalka.Wixii ka soo baxana waxaa loo gudbin doonaa warfaafinta Puntland.

Guddoomiyaha MAP Faysal khaliif ayaa sheegey kulanka ka dib in talaabadani albaabada u furayso in wadda tashi lagu xalliyo waxyaabaha sixidda u baahan.

Maaha markii ugu horraysay oo dood laga yeesho xeerkan waxaana muddo soo jiitamayay cabasho ku aaddan qaybo ka mid ah, waxaana la ansixiyay bishii Jullaay ee sannadkii hore.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo burcad-badeed ka badbaadiyey markab shidaal siday

Sida wararku sheegayaan, burcad-badeeddu waxay dalbanayeen madax-furasho dhan $3 milyan si ay u sii daayaan markabka.

  • Puntland

    29-09-2026

  • 12:18PM

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM