Shirkad Turkish ah oo Garoowe Jidad ka samaynaysa

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROOWE, Puntland- Qorshe Tabarucaad iyo iskaa wax u qabso ah ayaa lagu dhisi doonaa Lix waddo oo dhawaan laga hirgalin doono magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

Waddooyinka oo 5 kamid ah noqon doonaan Jaay, ayaa waxaa dhisi doonto shirkadda TTN oo laga leeyahay Waddanka Turkiga horayna u qaatay mashruucii lagu dhisay Garoonka diyaaradah magaalada Garoowe.

TTN, ayaa dowladda hoose ee Garoowe ka caawin doonta dhismaha waddooyinkaas iyagoo lagu kabi doono tabarucaad laga soo aruurin doono Ganacsatada degmada sida lagu sheegay munaasabad maanta lagu qabtay xarunta Jaamacadda Bariga Africa.

Maayarka KMG ah ee degmada Garoowe, Axmed Ayax ayaa sheegay in waddooyinkan uu ku bixi lahaa kharash aad u badan, balse shirkaddu u balan qaaday inay caawin doonto islamarkaana degmadu bixiso tasiilaad yar yar oo shaqadaas lagu qabanayo.

Inkastoo aan dherarka waddooyinkaas la sheegin, hadana waxaa maamulku tilmaamay in lacag gaaraysa $168.800 ay ku bixi doonto dhismaha waddooyinkaas oo mid kamid ah la saari doono Laami.

Duqa degmada ayaa guddi u saaray soo aruurinta lacag tabarucaad ah oo lagu kabi doono shaqada ay qabanayso shirkadaas, waxaana lacago la qoondeeyay lagu qoray dhammaan shirkadaha iyo meheradaha ganacsi ee ku yaalla degmada Garoowe.

Maayarka cusub ayaa shaqadii dowladda hoose derdergalin ku sameeyay, xilli uu haysto 45 cisho oo ah mudada loogu talo galay in lagu soo xulo golaha deegaanka caasimadda Garoowe .

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM