​Shirkadda Tawakal oo lacag ugu deeqday Abaaraha iyo Garoonka diyaaradaha Garowe

Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Xawaaladda Tawakal, ayaa lacag ugu deeqday Abaaraha ka jira deegaanada Puntland iyo casriyaynta lagu samayn doono garoonka diyaaradaha magaalada Garowe oo haanta dhismihiisu gabo-gabo marayo.

Tawal, ayaa Guddiga loo xil-saaraya abaaraha Puntland ku wareejisay lacag gaaraysa $10,000 [Toban Kun oo Dollar], oo ay sheegeen inay uga qayb qaadanayaan sidii wax loogu qaban lahaa dadka tabaalaysan.

Maamulka Sare ee Shirkadda ayaa xaflad ay ku daah furayeen Adeeg cusub ku guddoonsiiyay lacagtaas Sheekh Cabdiqani Qorane oo kamid ah Guddiga Abaaraha loo xilsaaray.

Dhinaca kale, Xawaaladda Tawakal, ayaa lacag gaaraysa 5,000 oo doollar ugu deeqday dhismaha garoonka diyaaradaha caasumadda Puntland oo  lagu samayn doono casriyayn ku aadan inuu noqdo mid caalami ah oo habeen iyo maalin la isticmaali karo.

Deeqdan ayaa qayb ka ahayd kaalmo laga dhowrayay dhammaan shirkadda ka howlgala magaalada.

Duqa degmada Garowe Xasan Maxamed Ciise Goodir, ayaa Jeegga lagu muujiyay lacagtaas ka guddoomay maamulka Shirkadda, wuxuuna uga mahad-celiyay sidii ay ugasoo bexeen qaaraankii looga baahnaa.

Bixinta lacagta ee Xawaaladda Tawakal, ayaa timid xilli labaad arrimood dhaqaale u uruurintooda loo xil-saaray Guddiyo isku dhaf ah oo kasocda qaybaha kala duwan ee bulshada iyo dowladda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Maxay Tahay Tallaabada ay Puntland Qaadeyso Haddii Dowladda Federaalka Faragelin ku Sameyso Amnigeeda?

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadda Puntland ay heegan buuxa ku jiraan...

  • Puntland

    01-07-2026

  • 11:03AM

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM