Shirkii golaha Xukumadda Puntland oo asbucii 8aad aan la qaban

Image

October 1, 2015 (GO)- Shirkii khamiis laha ahaa ee golaha wasiirada Puntland isugu imaan jireen ayaa maanta la qaban asbucii 8aad iyadoo xukuumada weli wax war ah kasoo saarin sababta uu u qabsoomi waayey.

Madaxweynaha dowlada Puntland oo ku sugan magaalada Galkacayo halka ku-xigneekiisu joogo magaalo madaxda Garowe ayaa shirka golaha xukuumada lagu qaban magaaloyinkaas mudo labo bilood ku dhow.

Lama oga sababta kulankaan u baaqdey kasoo looga hadli jirey xaalada Puntland ku sugantahay iyadoo hay'adaha dowlada ku kala war qaadan jireen go'aamanna ka soo saari jireen.

Madaxweynaha Puntland oo ku sugan magaalada Galkacayo ayaa wararka la xiriira qabsoomida kulankaan sheegayaan in  ku-xigeenkiisu isku dayey inuu qabto balse kooramka golaha wasiirada buuxsami waayey.

Baaqashada kulankaan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo Puntland ka jirto dagaal beleed u dhexeeya qabaa'il wada daga degaanada howdka ah ee u dhexeeya gobolka Mudug, Nugaal iyo Sool halka ay jiraan cabashooyin kasoo yeeraya mushahar la'aanta haysata ciidamada.

Taliyaha guud ee ciidamada Puntland ayaa asbucii lasoo dhaafey shaaciyey in mushahar la'aanta haysa xoogaga amniga halka madaxweynaha Puntland wareysi uu siiyey idaacadaha ku sheegey in xukuumadiisa aan lagu laheyn wax xuquuq ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM