Shuruudaha murashaxiinta xilka afhayeenka baarlamaanka Puntland

Image

GAROWE, Puntland – Guddiga qaban-qaabadda doorashada baarlamaanka Puntland ayaa si rasmi ah wuxuu u soo bandhigay habraaca coddeynta.

War qoraal ah oo guddigu soo saarey ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay shuruudaha oo ay kamid tahay codsi qoraal ah, sooyaalkooda iyo sawirro.

Guddiga ayaa tilmaamay in musharrax kasta laga saxiixi doono warqad caddaynaysa in uu aqbali doono natiijada doorashadda.

Murashaxii saxiixi waaya ayay tibaaxeen in loo aqoonsan doono in uu ka tanaasulay baratanka loogu jiro jagadaan muhiimka ah.

Doorashadda gudoomiyaha Golaha Wakiiladda ayaa waxaa lagu wadaa in ay qabsoonto 14-ka bishaan November sanadka 2019-ka.

Afhayeenka cusub ayaa wuxuu bedeli doonaa Cabdixakiim Dhoobo Daareed, kaasoo kalsoonida kala noqdeen mudaneyaasha.

Diiwaan-gelinta musharrixiinta, ayaa ka bilaabanaysa maalinta berriya oo ku beegan 10-ka bishan November, sidda laga soo xigtay qoraalka.

Sidda ku cad bayaanka, diiwaan-gelinta ayaa socon doonta mudda saddex maalmood ah oo ku eg 13-ka bisha oo ku beegan maalinta Arbacada ah.

HOOS KA DAALACO HABRAACA

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM