Siciid Xasan Shire: " Dowladda Federaalka waxba heshiis kuma nihin"

Image

March 21, 2015 (GO)- Gudoomiyaha Barlamanka Puntland Siciid Xasan Shire iyo wafdi uu hoggaaminayo oo todobaadyadii u dambeeyey socdaal ku joogey dalka Jabuuti ayaa maanta magaalada Garowe dib ugu soo laabtey.

Mudane Shire oo isla maanta shir-jaraa'id Garowe ku qabtey ayaa ka warbixiyey waxyaabaha usoo qabsoomey muddadii uu dalka Jabuuti ku sugnaa iyo weliba kulammo uu lasoo qaatey qaar kamid ah madaxda Jabuuti.

Kulamadaas wuxuu sheegay inay dhammaantood ahaayeen kuwo miro dhar ah islamarkaana intooda badan diiradda lagu saarey sidii loo xoojin lahaa xiriirka ka dhexeeya Puntland iyo Jabuuti.

Dhanka kale, Guddoomiyaha Barlamanka oo la weydiiyey sababta uu u baajiyey booqasho uu ku tegi lahaa Muqdisho kahor intuusan Garowe imaan, wuxuu ku jawaabey:

"Muqdisho inaan soo maro waa ahayd wafdina waa idin la joogay...annigu waxaan is iri maadama aydan reer Muqdisho waxba ku heshiin oo meel hore ay idiin joogto bal Dawladaada dib ugu noqo, sidaas ayaan uga soo leexday"

Mar la weydiiyey sida uu u arko booqashada wafdiga guddoomiye ku xigeenka barlamanka Dowladda Federaalku hoggaaminayey Puntland ku yimaadeen wuxuu sheegay inuu soo dhoweynayo, balse weli Puntland iyo Dowladda Federaalku si buuxda heshiis u ahayn.

Isagoo taas sharraxaya waxaa hadalladiisii kamid ahaa "inaga iyo Dawlada Federaalka haday dastuurka tahay, haday khayraad tahay iyo haday shuruuc tahay wax aan heshiis ku nahay ma jirto"

Hadalka Guddoomiyaha Barlamanka Puntland ayaa kusoo aadaya bil iyo bar kaddib markii wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Puntland booqasho ku tageen magaalada Muqdisho, kulammana lasoo yeesheen madaxda Dowladda Federaalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM