​Siyaasiyiin iyo Odoyaal dhaliilay xukuumadda Puntland [Daawo]

Image

GAROWE, Puntland- Kullan ay Garowe ku qabteen Odayaasha , Nabadoonada iyo siyaasiyiin ku midaysan madal ay ugu yeereen “Samatabixinta Puntland” ayay uga hadleen arrimo badan oo ku saabsan xaaladda Puntland iyo sidii loogu gogol xaari lahaa doorashada 2019.

War-saxaafeed ay soo saareen shakhsiyaadka ku jira madashaas ayay dowladda hadda talada haysa ku dhaliileen inay ka gaabisay ammaanka , Dhaqaalaha iyo howligii kale ee loo doortay.

Madaxweyne Gaas oo ay si gaar ah xubnahaasi u darayeen ayay ku sheegeen inuu ka gaabiyay dhammaan ballan qaadkii sameeyay, waxayna ka hor yimaadeen tallaabadii uu ku taageeray Khaliijka iyo Imaaradka iyagoo taas badalkeeda xusay inay la safanyihiin dhanka dowladda Federaalka.

Agaasimihii hore hay’adda Puntland u qaabilsan HIV Aids Cabdiraxmaan Dhagaweyne oo war-Saxaafadeed u akhriyey warbaahinta ayaa sheegay in madaxweynaha Puntland uu Garowe iyo Bosaso uu diyaarad ku tago taaso ku tusaysa amaan darada ka jirta dalka.

Weeraradii ka dhacay deegaanka Af-urur ayay soo hadal qadeen, waxay xukuumadda ku eedeeyeen inay xitaa awoodi wayday u tacsiyaynta askartii iyo dadkii shacabka ahaa ee dhibaatadu kasoo gaartay falalka amni darro ee gobolka bari ka wado kooxda Al Shabaab.

Sidoo kale waxay xuseen in Shabaabkii lagusoo qabtay dagaalladii ka dhacay Suuj iyo Garmaal iminka lagu hayo Hoteelo ku yaalla magaalada Garowe islamarkaana lagu nafaqeeyo, halka ciidamadii ku waxyeelloobay howlgalkaas aysan cidna wax u qaban xitaan aan la maamuusin carruurtii ku agoomowday.

Qoraalka Madashaas ayaa sidoo kale tilmaamay in xukuumadda hadda jirta ay ka gaabisay wax ka qabashada xaaladda gobollada Sool iyo Sanaag,taasoo ay sheegeen inay kaliftay isballaarin ay samaysay maamulka Somaliland oo xitaa gaaray inay warbaahinta ka sheegaan in doorasho ay ku qabsanayaan gobolladaas oo ay ugu dhacayso qaab silmi ah.

Odoyaasha iyo Siyaasiyiinta hadlay ayaa cod dheer ku sheegay in guud ahaan xukuumadda hada jirtay ay ku fashilantay hogaaminta waddanka, waxayna ku baaqeen inaan loo samayn muddo kororsi iyo xitaa inaysan soo noqon madaxda iyo Xildhibaanada iminka jira.

Ilaa hadda dowladdu kama aysan hadlin eedaha kasoo yeeray madasha isku magacowday Samatabixinta Puntland.

Maaha markii ugu horaysay ee shir laga dhaleeceeyo xukuumadda Madaxweyne Gaas, waxaana arrinta timid muddo ka yar bil xilli Odoyaal ku shiray Garowe ay Cabdiwali Maxamed Cali ugu baaqeen inuu is-casilo.

Halkan ka Daawo Shirka Jaraa'id oo dhammaystiran

GAROWEONLINE

Related Articles

Duqeyn Cirka oo Mareykanku Ka Fuliyay Puntland

Wuxuu ballan qaaday in Mareykanku sii wadi doono taageerada uu siiyo ciidamada Soomaaliya si ay u gaaraan xasillooni buuxda.

  • Puntland

    08-07-2025

  • 12:35PM

Cabdirashid Yuusuf Jibriil oo la siiyay waddo nabadgelyo ah oo uga baxay Ceelbuh 

Dhanka kale, ciidamada Puntland ayaa ogaadey inay jiraan qorshayaal ay wasiirro iyo xildhibaanno ka socda Muqdisho.

  • Puntland

    07-07-2025

  • 06:36AM