Somali ka cabanaysa safaaradda Ethiopia ee Garowe
GAROWE- Tacaddi iyo dhibaato xooggan, ayaa kasoo yeeray shacabka Somaliyeed oo dhalinyaro iyo haween isugu jira, kuwaasi oo muddo dheer ku qaadato inay qaataan fiisaha dalka ku galka Ethiopia.
Shacabkan oo warsidaha Garowe Online kula hadlay goob ay ku sugaan fiisahan oo kasoo horjeeda xaruntooda Garowe, waxayn sheegeen in goobtaasi lagu dhibaateeyo oo saraakiisha Ethiopian-ku kula dhaqmaan qaab ka baxsan bini aadanimada.
Hooyo muddo saddex bilood ka badan ku sugan magalada Garowe waxay ka timi Bosaso,iyadoo noo sheegtay inay ka dhammaatay lacagtii ay wadatay islamarkaana aysan helin lacag ay saddexda waqti cunno ku iibsato iyo mid ay ugu adeegto ilmo yar oo ay wadato.
"Waxaan halkan malin walba soo fariista lixda aroornim, waxaana ka tagaa 12 duhurnimo, majirto cid wax ii qabatay, runtii dhibaato xooggan ayaa goobta igu haysata, wax noo naxariisanaya ma haysano...Nimankan inay noo qabtaan iska dhaafe dadkii ay tacadi ku hayaan saaka nin Ethiopian ah halkan ayuu soo istaagay gabar la hadashay ayuu candhuuf indhaha kaga tufay.... dalkaygii anoo jooga ayaan gumaysi ku jiraa," Ayay tiri maamadan iyadoo ooyaysa.
Dhinaca kale hooyo katimi Hargaysa waxay noo sheegtay inay muddo dheer halkan joogto islamarkaana maalin kasta lagu xiro shuruudo hor leh.
"Anigu waxaan ka imi Hargaysa, carruur yaryar ah ayaa ka imi, waxaana halkan joogaa waqti badan, waxaana taagnahay yaa nooli ku siiya oo meeshaan ka imi igu celiya, waayo waxaan wax loo dul qaadan karo maaha... ilmahaygii waa iga gubteen qaybtood, lacagtii waa iga dhammaatay reero islaameed ayaan la seexdaa," Sidaasi waxaa tiri Ayaan oo kamid ah dadka goobtaasi ku dhibanaa.
Dhinaca kale dhalinyaro aan goobta kula kulanay, aya noo sheegay inay meeshan kajirto cadaalad darro xooggan islamarkaana lakala sooco dadka fiisaha dalbanaya, waxayna noo xaqiijiyeen in dadka mas'uuliyiinta dowladda la socoto in loo fududeeyo howshooda iyo kuwa raacaya diyaradda Ethiopian-ka ah ee Garowe ka baxda taasi oo lagu magacaabo National Airways.
Qaybtood waxay xaqiijiyeen in ninka joogta laanta Socdaalka uu ka qaado lacago laaluusha ah, waxaana mid kamid ah dhalinyaradii aan la kulanay tilmaamay in laga qaaday lacag gaaraysa $200 ilaa haddana wax loo dhameeyay aysan jirin.
Arrintan ayaa muddo soo taagnayd, waxaana jira haween uur leh oo halkan u yimi fiisaha Ethiopia inay ku umuleen geedka lagu sugo waraqda dalka ku galka, halka kuwo kale iyagoo xanuunsan weli rajo aysan hubin ku joogaan.
Majirto cid dowladda katirsan iyo laanta socdaalka oo arrintaasi ka hadlay, waxaana xiriiro aan la samaynay adkaatay inaan ka helno xogta ku aadan cabshada dadkaasi.
GAROWEONLINE