Somalia: Booqashada Dr. Kani maxey kusoo kordhineysaa Puntland?

Image

GAROWE, FAALADA WARKA| Wafdi uu hogaaminayo Safiirkii hore ee dowladda Turkiga u fadhiyay dalka Somalia Dr. Kani Torun haatanna ah xildhibaan Barlamanka ee waddankaasi kamid ah ayaa shaley 30 March,2016 soo gaaray magaalo madaxda Puntland ee Garowe, waxaana  la socday safiirka cusub ee Turkiga u fadhiya Somalia Ambassador Olgan Bakar iyo saraakiil sare oo ka tirsan safaaradda dalkaasi.

Sida aan wada ognahay dowlada Turkiga waxey tageero ka gaysatey abaartii sida ba'an saameynta ugu yeelatey gobolada Koonfureed ee Somalia iyadoo sababtey in booqasho uu ku yimidaado Muqdisho August 19, 2011 Ra'isal wasaarahii hore ee Turkiga hadan ah madaxweynaha wadankaas Recep Tayyip Erdogan iyo wafti uu hogaaminayo. Booqashada Ra'isal wasaarha Turkiga ee waqtigaas waxayna bilow u noqotey danaha dhaqaale iyo ee dalka Turkiga ku leeyahay Somalia gaar ahaan magaalada Muqdishu.

Danaha dhaqaale iyo siyaadeed ee dalka Turkiga ku leeyahay magaalada Muqdishu gaar ahaan madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa waxaa kamid ah shirkada maamusha dekada magaalada Xamar waxaa iska leh ganacsade qaraabo dhow la ah Erdogan, isbitaalkii hore ee Digfeer kaasoo loo baxshey magaca madaxweynaha dalka Turkiga, dugsiga sare ee Banaadir oo la siiyey shirkad Turki ah kana dhigatey Isbitaal halka dugisgii hore ee farsamada loona aqoon jirey Polytechnic kuna yaaley KM4 la siiyey shirkad kale oo ka furatey dugsi lacag lagaga qaado shacabka Somalida. 

Dowlada Turkiga ayaa sidoo kale waxbarsho dibada ah siisey ardeyda Somalida iyadoo la rumeysan yahay in madaxdii isaga dambeysay dowladihii Somalia  musuqmaasuqeen mucaawinadaas iyadoo si cadaalad ah aan loogu qaybin dhamaan ardeyda ku baahsan dalka halka dhaqaale xoogan iyo hanti kale kaga badasheen madaxda Somalida lahaanshaha iyo qaadashada hantida ma guurtada ee uu leeyahay dalka Somalia. 

Dhinaca kale waxaa la wada ogsoon yahay shirkii labaad oo caalamiga ah ee Istanbul looga qabtey Somalia 1June, 2012 looguna magac darey diyaar gareynta mustaqbalka Somalia (Preparing the Future of Somalia) kasoo lagu saxiixey heshiis ku saabsan in laga furayo Somalia xafiisyada diplomaasiyiin iyo hay'ado hurumarin iyo samafal ah, halka magaalo madaxda Puntland ee Garowe laga la furi lahaa xafiis wasaarada arrimaha dibada iyo hay'ada hurumarka iyo samafalka TIKa taasoo ilaa hadda aan weli dhicin. 

Waxaa kaloo xusid mudan in Dr. Kani oo ah dhakhtar waqtigaasna ahaa safiirkii ugu horeeyey ee dowlada Turkiga u soo magacowdey Somalia booqasho uu ku yimid Puntland xiligii madaxweynihii hore Cabdiraxman Maxamad Farole xilka hayey isagoo wafti balaaran la socdey balan qaadeen mashaariic farabadan iney fulinayaan gaar ahaan waxay codsadeen in laga siiyo magaalada Garowe dhul ay ka dhistaan Machad farsamo.  

Waftiga Turkiga inta ay ku guda jireen booqashada hay'adaha dowliga ee magaalada Garowe safiirka oo isagu dhkhtar ahaa waxaa uu si gaar ah u codsadey inuu tago isbitaalka guud ee caasimada Puntland isagoo halkaas kula kulmey dhakhaatiirtii iyo Umulisooyinkii qaybta haweenka kuwasoo markaas la joogey gabar foolaneysay oo isku dhimatey lagana keeney degmada Eyl ee gobolka Nugaal. Dr. Kani oo shaqaalaha isbitaalka u sheegeen in gabadhaan muddo lix sacadood ah ay safar kaga soo jirtey degmada Eyl si loo soo gaarsiiyo isbitaalka guud ee Graowe ayaa iyadoo madaxda dowlada taagan tahay si caadifadeysan u balan qaadey in qaybta dumarka oo isbitaalka uu qalab casri ah keenayo slamarkaana balaaraniyo taasoo ilaa iminka aan dhicin.

Hadaba booqashada waftiga Turkiga uu ku yimid Puntland waqtigaan ayaa shacabka Puntland waxaa uu u arkaa mid siyaasadeysan oo faragalin ku ah arrimaha Somalia iyo Puntland taasoo ka horimaaneysa qodob 4aad ee warmurtiyeedkii kasoo baxey shirkii labaad ee lagu qabtey Istanbul, qodobkaan ayaa lagu qeexey in mas'uuliyada koowaad ee lagu gaarayo xal siyaasdeed ee ka hirgala Somalia ay saaran tahay Somalida kaliya. ( ....The primary responsibility for establishing a political solution in the country 'Somalia' lies with Somalis".

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Puntland oo horumar weyn ka sameysay Howlgalka Hilaac ee ka socda G/Bari

Dagaalyahannada ISIS ayaa la kulmay khasaare weyn toddobaadyadii u dambeeyay kadib markii Madaxweynaha Puntland.

  • Puntland

    14-01-2025

  • 10:39AM

Soomaaliya: Muxuu Axmed Madoobe Ka Yiri Howlgalada Puntland ee ka Dhanka ah Daacish?

Madaxweynuhu wuxuu si gaar ah u xusay guulaha muuqda ee Puntland ay ka gaartay howlgalka Hilaac.

  • Puntland

    14-01-2025

  • 08:51AM