Somaliya: Ciidamada Asluubta Puntland oo shaqo joojin sameeyey

Image

GAROWE, Puntland- Warsidaha madaxa banaan ee Garowe Online ayaa ogaadey in ciidamada Asluubta Puntland ay ku jiraan shaqo joojin muddo 7 cisho ah taasoo ay sababtey kadib markii mushahar la'aan soo food saartey askrata ilaalisa xabsiyada Puntland.

Shaqo joojintaan oo ka jirta xabsiyada magaalooyinka Galkacayo, Garowe, Qardho iyo Bossaso ayaa saameyn ku yeelatey gabi ahaan howlihii xabsiyada oo aheyd sii deynta maxaabista dhameysatey xukunkooda iyo qabashada dambilayaasha la xukumay.

Cabshada mushahar la'aanta ciidamada ayaa gaareysa muddo 5 bilood ah halka maxaabista ku xiran xabsiyadaas muddo Sadex bilood ah aysan helin raashinka lagu quudin lahaa.

" Waxaan deyn ku soo qaadney raashinka maxaabista aan gacanta ku hayno muddo Sadex bilood ah iyadoo xuquuda  mushaharka askarta ay maqan tahay 5 bilood,  askariga xabsiga Ilaaliye waxaa uu lamid yahay maxbuuska uu Ilaaliye sababtoo ah ma aadi karo meel kale halka askarta kale ee ciidamada Puntland shaqooyin kale qaban karaan hadii mushahrkooda waayaan." Sidaas waxaa GO u sheegey Askari ka tirsan ciidamada Asluubta oo ka gaabsadey magaciisa. 

Gadoodka askarta xabsiyada Puntland ilaalisa ayaa warsidaha Garowe Online rumeysan yahay inuu yahay midkii 5aad labadii sano ee la soo dhaafo iyadoo mar walba dowlada xaliso markii Talaabooyinkaan oo kale dhacaan.

Maalmihii lasoo dhaafey waxaa dhamaan istaagay in maxkamadaha la saaro maxaabiista ku xiran xabsiyada Puntland halka sida warsidaha GO rumeysan yahay saldhiga Dhexe ee magaalada Garowe 24saac ee lasoo dhaafey gaareen dadka dambiyada loo haysto ee ku xiran 21 maxbuus oo ay ku jiraan gacan ku dhiiglayaal kuwasoo uu diidey in xabsiga Dhexe ee magaalo madaxda Puntland inuu la wareego.

Mushahar la'aanta saameynta ku yeelata  hay'daha dowlada ayaa ah mid joogta ah marka laga reebo Barlamanka Puntland oo isagu aan waayin mushaharkiisa bilaha ah madaama xukuumada cabsi ka qabto in xildhibanada la xisaabtamaan.

Shir dhowaan golaha xukuumada Puntland ku yeeshay magaalada Bossaso ayaa wasiiro badan waxa ay cabasho ka muujiyeen mushahar la'aan haysa shaqaalaha dowlada kuwasoo eedeyn ba'an u soo jeediyey Wasiirka Maaliyada Puntland.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Ciidamada Difaaca Puntland oo Guulo Ka Gaaray Dagaalka Dhulka ee Ka Dhanka ah ISIS

Dhinaca kale, khubaro dhinaca amniga ah ayaa ku tilmaamay guushan mid wiiqaysa awoodda kooxda ISIS ee gobolka Bari.

  • Puntland

    20-01-2025

  • 11:35AM

Soomaaliya: Puntland oo horumar weyn ka sameysay Howlgalka Hilaac ee ka socda G/Bari

Dagaalyahannada ISIS ayaa la kulmay khasaare weyn toddobaadyadii u dambeeyay kadib markii Madaxweynaha Puntland.

  • Puntland

    14-01-2025

  • 10:39AM