Somaliya: Madaxweynaha Puntland oo ku wajahan magaalada Qardho

Image

GAROWE,Puntland-Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamad Cali Gaas oo ku sugan magaalada Muqdishu ayaa wararka warsidaha GO soo gaaraya sheegayaan inuu magaalada Garowe ku soo wajahan yahay maanta galinkeeda hore.

Warsidaha GO ayaa fahansan in Madaxweyne Gaas marka uu kasoo dago garoonka diyaardaha Garowe toos ugu gudbi doono magaalada Qardho halkaasoo la filayo inuu ka furmo shir la sheegey iney isugu imaanayaan Odey dhaqameedka Somaliyeed.

Kulanka Qardho oo khilaaf ka dhex dhaliyay Issimada Puntland qaarkood ayaa safarka madaxweyne Gaas ee magaalada Qardho ku soo beegmaya iyadoo weli aan xal laga gaarin is-fahanwagaas.

Magaalada Garowe ayaa waxaa soo gaarey shaley galab 22 May, 2016 Isimo gaaraya 13 kuwasoo kasoo kicitimey magaalada Qardho. Isimiadaan ayaa kulan maanta la qaadan doono Odey dhaqameedyo magaalo madaxda Puntland shir uga socdey maalmihii la soo dhaafey.  HALKAN KA AKHRI WARSAXAFADEED KASOO BAXAY KULANKAAS.

Wararka laga helayo safarka Madaxweynaha ee Qardho ayaa xusaya inuu xaflada furitaanka ee shirkadaas ka jeedin doono hadal isagoo halkaas ku sugnaan doona muddo labo cisho ah.

Lama oga in kulankaan ka soo qayb gali doonaan qaar ka tirsan madaxda dowlada Federaalka iyadoo horey Boqor Burhan saxaafada ugu sheegey in kulankaan ka madax banaan doono arrimaha siyaasada.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM