Somaliya: Taliyaha Booliska Puntland oo diidey in xilka la wareego

Image

GAROWE, Puntland- Taliyaha Booliska Puntland Gen. Cabdulqaadir Cali Ereg ayaa diidey in maanta May 26, 2016 la wareego xilka kadib markii khilaaf ka yimid kharashiyaad taliyihii hore soo gubiyey.

Warsidaha Garowe Online ayaa rumeysan in taliyihii hore ee laga qaadey ciidamada Booliska Cabdirizaq Afguduud uu munaasabadii xilka wareejinta ku darey in lacag gaareysa 110.000USD lagu leeyahay kuwasoo ah mushaharaad ciidamada ah ee uu soo deynsadey.

Gen. Ereg ayaa ganafka ku dhuftey la wareegida kharashkaan isagoo sheegey in Booliska Puntland uusan qaadi karin culeys dhaqaale islamarkaana aysan cadeyn sida lacagtaan u baxdey.

GO ayaa fahansan in arinkaan maalinta berri ah May 28, 2016 kulan kala yeelan doonaan Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamad Cali Gaas oo safar u ambabaxaya maalinta Sabtida ah HALKAN KA AKHRI 

Taliyihii hore ee ciidamada Booliska Puntland ayaa xilka laga qaadey kadib markii gacan ka hadal dhexmarey saraakisha kale ee Amniga taasoo keentey in eedeymo loo jeediye taliska guud ee ciidamada.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Booliska Puntland oo Xabsiga Dhigay Haweeney Ku Eedeysan Dilka Gabar 14-Jirka Ah

Baaritaanka meydka ayaa muujiyay dhaawacyo badan, oo ay ku jiraan calaamado muujinaya in gabadha la ceejiyay iyo garaacis xoog leh.

  • Puntland

    15-11-2025

  • 07:40AM

Ciidamada Puntland oo Dilay Madaxii Qaraxyada Kooxda Daacish

Waxay intaas ku dareen in inta badan khubaro ISIS u qaabilsanaa qaraxyada gobolka la dabar gooyay, ayna ciidamada amniga...

  • Puntland

    12-11-2025

  • 09:45AM