Soomaaliya: Gaas oo eedeeyay Xildhibaanada Puntland ugu jira Aqalka Sare [Daawo]
GAROOWE, Puntland- Madaxweynaha dowladda Puntland, Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa ka hadlay arrimo ku saabsan Dastuurka Soomaaliya iyo Xildhibaanada Puntland ugu jira Aqalka Sare.
Cabdiwali Gaas oo maanta ka qayb galayay shir looga hadlayay Dastuurka Soomaaliya oo ka dhacay magaalada Garoowe, ayaa khudbad dheer uu jeediyay ku sheegay in Xildhibaanada Puntland ugu jira Aqalka sare aysan kasoo bixin waajibkii laga sugayay inay gutaan.
Wuxuu xusay in Puntland dagaal badan u gashay sidii loo dhisi lahaa Aqalka Sare gaar ahaan waqtigii la samaynayay Dastuurka isagoo tilmaamay in maamulkii waqtigaas dhisnaa uu aad uga soo horjeeday.
“Anagaa Puntland ayaa ku doodnay Aqalka sare sababtoo ah markaas 2011 kii markii Dastuurka la samaynayay state-ka kaliya ee ku doodayay Aqalka sare Puntland bay ahayd, cida kale oo markaas jirtay waxay ahayd Galmudug oo aan markaas dhammaystirnayn oo Galkacyo barkeed ah iyo Caalim, waxay lahaayeen ma rabno Federaal ee waxaan rabnaa Regional autonomy,” Gaas ayaa sidaas sheegay.
Isagoo sii hadlaya wuxuu tilmaamay in rag badan oo khuburo ah islamarkaana xilal sar sare soo qabtay ay ku darsadeen Aqalka Sare balse aan war laga hayn meel ay ku suganyihiin.
“Lama rabin in la dhiso Aqalka sare waa khasabnay laakiin hadda waxbana lama tarin, wax hadda uu na taray oo noo soo kordhiyay ma jirto, dagaal baan waxaa ku galnay waxaa la yiri dowlad goboleedyadu waxay leeyihiin 8 anaguna 11 ayaan leenahay, ma aragtay meel ay jiraan, waliba waxaan niri kuwo khibrad leh aan gaysano, Madaxweynayaashii, Ra’isal wasaarayaashii, Cabdiraxmaan Farole, Cumar Cabdirashiid, si khibradooda nooga faa’iideeyaan anagana waxeena noogu soo dhiciyaan, ma taqaaniin meel ay jiraan ma ka warqabtaan, ma hayno,” ayuu yiri Gaas.
Madaxweyne Gaas wuxuu sidoo kale ku eedeeyay aqalka sare in doodihii ay yeesheen kuwo badan oo kamid ah looga soo horjeeday danaha maamulkan gaar ahaan maalgashiga.
“Hadana markii doodu socotay waad dhagaysanayseen danihii Puntland ayaa qaar badan kasoo horjeedeen, Idaacadaha ma ka dhagaysanayseen, ma ka aragteen, kuw leh yaan la maalgalin Puntland, Puntland maalgalinteeda raali kama nihin, kuwaanu gaynay weeye, gacantayda anaa ku qoray laakiin hadda waxba oran maayo,” Sidaas waxaa hadalkiisa ku sii dayray Madaxweyne Gaas.
Wuxuu sidoo kale xusay in mudanayaasha uu eedeeyay ay Puntland kusoo noqon doonaan mar kale iyagoo xil raadis ah, balse waqtigaas uu kashifi doono waliba isagu uu ka marag kici doono wixii ay sameeyeen.
“Koley waa soo laaban doonaan mar kale oo waa noo imaan doonaan iyagoo kuraas raadinaya Afar sano ka bacdi laakiin markay yimaadaan waa sheegaynaa waxay sameeyeen waa ka marqaati kacayaa anigu.” Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.
Hadalkan ayuu kusoo dhex-daray khudbad uu diiradda ku saarayay Arrimaha Dastuurka islamarkaana Wasaaradda Puntland u qaabilsan uu ku canaantay inay maalin kasta tagaan shir ka dhacaya Muqdisho oo aan wax dan ah ugu jirin maamulkan.
Hadalka Madaxweynaha Puntland ayaa imaanaya xilli mudadii uu joogay xafiiskan uu siyaasad jilicsan kula macaamilayay dowladda Federaalka Soomaaliya, taasoo keentay inay meesha ka baxdo maqaamkii Puntland ay kulahayd dowladda dhexe iyo juhdigii ay ku bixisay in la hirgaliyo Nidaamka Federaalka.
Arrintaas waxay keentay in farogalin badan lagu sameeyo heshiisyadii horay loo galay iyo qodobo kamid ah Dastuurka kuwaasoo ay ku jirto qorshihii lagu maamulay Doorashadii Soomaaliya ka dhacday Sannadkii hore gaar ahaan jabinta heshiisyadii lagu galay Garoowe ee Garowe 1 iyo Garowe 2 kuwaasoo saldhig u ahaa inaan lagu laaban nidaamka qabaliga ah ee 4.5.
Madaxweyne Gaas oo waqtigaas shacabka xilliyo kala duwan u sheegay inaysan dhici doonin ku labashada 4.5 ayaa heshiis qarsoodi ah la galay Dowladdii uu hogaaminayay Xasan Sheekh taas keentay inuu jabo Qodob lagu heshiiyay kulamo ay beesha Caalamku goob joog ka ahayd.
Sidoo kale ku laabashada nidaamkaas ayaa sababay in Madaxweyne Gaas iyo Madaxweynihii hore ee Puntland, Cabdiraxmaan Farole oo dedaal dheer ku bixiyay ka guurista 4.5 iyo qabsoomida kulamadii Garoowe ay isku khilfaan arrintaas. Faroole ayaa waqtigaas Madaxweyne Gaas kula taliyay inuusan ogolaan wax oo uusan wax heshiis ah kula galin 4.5.
Dhismaha Aqalka Sare ee Barlamanka Soomaaliya ayaa heshiiskiisu wuxuu dhacay shirarkii Garoowe 1 iyo Garoowe 2, taasoo dowladdii uu hogaaminayay Madaxweyne Farole uu heshiis kula galay dowladdii Federaalka ee uu madaxweynaha ka ahaa Sheekh Shariif in nidaamka 4.5 doorashada lagu galo 2012 balse aan dib dambe loogu noqon iyadoo isla sannadkaas la dhisayo Aqalka sare, balse waxaa meesha ka saaray Madaxweynihii waqtigaas la doortay Xasan Sheekh oo qodob Dastuuri ah jabiyay.
Madaxweyne Gaas ayaa intii uu talada Puntland hayay afartii sano ee la soo dhaafay go’aamada masiiriga ah ee Puntland aan wax talo galyo ah ka siin sida Warsidaha Garowe Online rumaysanyahaya Xildhibaanada hadda jooga ee Aqalka sare, kuwa hoose iyo kuwii hore intaba iyadoo dhinaca kale hay’adaha Dastuuriga ah ee u xilsaaran arrimahan garab mara markii uu ka qayb galayo shirarka ka dhacaya Muqdisho, isagoo magacaaba shakhsiyaad u matala ajandayaashiisa kuwaasoo qaybtood ay shaqaynayaan iminka.
GAROWE ONLINE