​Suldaan Garaase oo ka hadlay Shirka Beesha Leelkase uga socday Garowe [Dhagayso]

Image

GAROWE, Puntland- Suldaan Siciid Maxamed Garaase oo ka mid ahaa madax dhaqmeed Puntland islamarkaana ka qayb galay kulan waxgaradka beesha Leelkase uga socday magaalada Garowe, ayaa ka hadlay waxyaabaha  la isla gaaray xilli uu tilmaamay in wajigii koowaad lasoo gaba gabeeyay shirkaas.

Garaase oo warbaahinta kula hadlayay magaalada Garowe, ayaa xusay inuu guul kusoo dhammaaday kulankaas beeshu uga arrinsanaysay arrimo ku aadan kordhinta Barlamanka Puntland, kasoo todobaadkii hore ka furmay caasumadda Puntland.

“Waxaanu isla afgaranay keliya in xukuumada aan la kaashano arrintan wajiga kowaadna guul buu ku dhamaaday ka labaadna waxaan kala maarmi waynay xukuumadda Puntland wixii dib ka so baxana war baanu ka soo saari doono,” Ayuu yiri Suldaan Siciid.

Suldaanka ayaa intaas ku daray in wajiga labadaad lagama maar-maan noqotay inay joogto xukuumadda iyo Madaxweynaha sidaas darteed isla gaareen inay dib la isugu yimaado islamarkaasna la shaaciyo natiijada laga gaaro isu imaatinkaasi.

Beesha Leelkase ayaa cadaadis ku saaraysa Isimada Puntland inay ka qayb qaataan dalabkooda ku aadan in la kordhiyo Xildhibaanada Puntland taasoo dhabada u xaaraysa in is-badal lagu sameeyo Dastuurka.

Lama oga doorka Xukuumaddu ku leedahay shirkaas, maadama horay Madaxweyne Gaas Barlamanka ugu gudbiyay waraaq codsi ah oo ku doonayay in lagu siyaadiyo tirada golaha Wakiillada oo iminka ah 66 mudane.

Barlamanka Puntland, ayaa diiday dalabkaas iyagoo sheegay inay tahay qorshe horseedi kara khilaaf iyo beelo badan oo tabasho qaban ku doodaan inay xubno ku yeeshaan golaha Wakiillada Puntland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo Xaqiijiyay Duqeymo ka Dhacay Gobolka Bari ee Puntland

Madaxweynaha Mareykanka ayaa sidoo kale eedeeyay madaxweynaha hore ee Mareykanka, Joe Biden, in uusan si degdeg ah uga hortagin ISIS gudaha Soomaaliya.

  • Puntland

    01-02-2025

  • 06:48PM

Deni oo ku dhawaaqay inuu billowday wajiga 2aad ee dagaalka Daacish [Sawirro]

Isagoo xusay in Ciidanka bandhigga sameynayey si khaas ah loo tababaray oo ay ka qeyb qaadan doonaan wejiga labaad ee hawlgalka oo bilwomaya.

  • Puntland

    30-01-2025

  • 03:04PM