​Suuqyada Ganacsiga Bosaso oo xiran iyo xukuumadda oo aamusan

Image

BOSASO, Puntland- Maalintii afraad waxaa xiran inta badan suuqyada magaalada Bosaso ka dib markii dowladda Puntland ay ku soo rogtay cashuur cusub taasoo ay diideen ganacsatada kala duwan ee ku dhaqan xarunta gobolka Bari.

Ganacsatada oo cabasho arrintan ku saabsan u gudbiyey maamulka gobolka iyo hay’adaha qaabilsan cashuuraha, ayaa wax jawaab ah ka helin dhinacyadaas.

“Maanta ku afar suuqa Bosaso waa xiran yahay qaabka uu xiran yahayna waa cashuuro cusub oo hadda ay dowladdu soo rogtay,” Sidaas waxaa yiri mid kamid ah Ganacsatada Bosaso oo la hadlay Idaacadda VOA.

Ganacsadahan oo lagu magacaabo Xaaji Maxamed Siciid ayaa intaasi ku daray “Cashuurahan waa dhawr is daba jooga oo  nagu cusub hadda tan suuqyada xirtay waa cashuur tiro ah tirada laga qaado baa la cashuuraya maaha cashuur soo martay Barlamanka waana cashuur aan Bosaso dhaafsanayn”.

Ganacsadan ayaa sheegay inuusan jirin goob ganacsi oo ka furan magaalada Bosaso balse xiriir ay GO la samaysay goob joogaal ku sugan suuqyada magaalada ayaa ku ogaanay in goobo ganacsi oo aan badnayn ay furan yihiin kuwasoo ka baxsan suuqyada waawayn ee muhiimka ah.

Warsidaha GO oo dhinaca kale waydiiyey sababta ganacsatada u diidan yihiin iney bixiyaan cashuurta ayey u sheegeen ineysan kalaooni ku qabin xukumada in lacagtaan lagu qabanayo howlaha taagan iyadoo horey uga gaabsey iney wax ugu qabato lacagaha kale oo soo gala.

Ilaa hadda arrintan kama hadlin xukuumadda Puntland, waxaana tallaabadan saamayn ku yeelanaysaa ganacsiga guud ee dalka iyo dadka ka raadsada Nolol maalmeedkooda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM