​Suuqyada Garowe oo xiran iyo Mudaharaad dhacay

Image

GAROWE, Puntland- Suuqyada Garowe ayaa gabi ahaanba xiran maanta, kadib markii Ganacsatadu cabasho ka keeneen sare u kac ku yimid sarrifka lacagaha qalaad iyo hoos u dhaca Shillin Somaliga.

Cabashadan oo muddo soo taagnayd ayaa timid kadib markii uu hirgali waayay jaangoyn ay samaysay wasaaradda maaliyadda Puntland, taaso sariflayaasha ku amraysay inaysan sarifka halka Doollar dhaafsiin 24.000shs.

Jaangoyntan uma aysan hogaansamin dadka kala badala lacagaha sida ay qabaan ganacsada yaryar ee iibiya Khudaarta iyo Hilibka.

Taasi waxay keentay in mudaharaad xoog leh ka dhaco Garowe kaasoo muddo hakad galiyay isu socodka gaadiidka iyo dadweynaha, waxaana dadweyne caraysan socod ku mareen wadada dheer ee xiriirisa caasumadda Puntland.

Iyadoo ku dhawaaqaya ereyo ka dhan ah sicir bararka iyo lacagaha faalsada ah, waxay tageen hoolka golaha Barlamanka Puntland inkastoo aysan jirin cid la hadashay.

Waxaa ka dhex-muuqday Mudaharaadka dadweynaha taliyihii hore ee qaybta Booliiska Puntland, Gaashaanle sare Cabdiraxmaan Abshir Faarax Qaan-qaan kasoo dadweynaha goob fagaro ah kula hadlay, wuxuuna sheegay in shacabku xaq u leeyihiin inay ka cowdaan waxa ay tabanayaan, balse laamaha ku shaqada leh looga baahanyahay inay wax ka qabtaan arrintaasi.

Isagoo sii hadlaya, wuxuu sheegay inuu diyaar u yahay sidii shacabka looga kaafin lahaa wax ka qabashada dhibka haysta.

Dhinaca kale taliyaha Qaybta booliiska gobolka Nugal Cabdirashiid Xijira-dhuuq ayaa beeniyay in cabashada dadweynaha la xiriirto sicir barar, balse wuxuu ku eedeeyay in arrintan maleegayaan shakhsiyaad kooban oo leh dano gooni ah kuwaasoo ugu hanjabay inay eedi doonaan waxyaabaha ay faraha kula jiraan.

Xinjira-dhuuq ma uusan magac-dhabin dadka qaskaasi wada, balse waxaa laga dheehan karay inuu jiro khilaaf u dhaxeeya isago iyo taliyihii ka horeeyay.

Xir-naanshaha suuqyada Garowe ayaa saamayn xooggan ku yeelatay bulshada Caasumadda, maadama albaabada loo laabay suuqa ugu weyn ee dadku ka tukaamaystaan.

Maaha markii ugu horaysay ee dadka ku nool caasumadda ka cowdaan cawaaqibka ka dhashay lacago faalso ah oo dowladdu ku daabacday magaalada Bosaso, taasoo ay u aanaynayaan inay keentay sicir-bararka iyo sare u kaca maciishadda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Deni oo ku dhawaaqay inuu billowday wajiga 2aad ee dagaalka Daacish [Sawirro]

Isagoo xusay in Ciidanka bandhigga sameynayey si khaas ah loo tababaray oo ay ka qeyb qaadan doonaan wejiga labaad ee hawlgalka oo bilwomaya.

  • Puntland

    30-01-2025

  • 03:04PM

Madaxweyne Deni oo Tusaale U Noqday Dagaalka Argagixisada Soomaaliya

Tallaabadan ayaa muujinaysa taageerada ballaaran ee shacabka Puntland iyo guulaha muhiimka ah ee ay gaareen ciidamada.

  • Puntland

    29-01-2025

  • 09:16AM