Taliska Qaybta gobolka Bari oo faah faahiyay Qarax lagu qabtay Bosaso [Dhagayso]

Image

BOSASO, Puntland- Taliska qaybta Booliiska gobolka Bari, aya faah faahin ka bixiyay qarax iyo rag watay oo saaka lagu qabtay Kantaroolka lagasoo galo magaalada Bosaso, kaasoo lagu soo qariyay baabuur nooca xamuulka qaada oo waday Khudaar.

Cornell Cabdixakiim Yusuf Xuseen, oo warbaahinta kula hadlayay xarunta ganacsiga Puntland, ayaa sheegay in sheegay in qaraxan la qabtay xilli baabuurka waday uu soo maray dhammaan Magaalooyinka waaweyn ee Puntland, gaar ahaan Galkacyo oo uu alaab soo dhigay, Burtinle oo sidoo kale ku hakaday  iyo magaalada Garowe oo uu alaab ku dajiyay sida uu sheegay taliyuhu.

Wuxuu sheegay in baabuurta noocaan ah la aamini karin, isagoo baaq u diray dhammaan shacabka, dowladda iyo ciidamada isagoo ugu baaqay inay feejignaadaan.

Cabdixakiim oo sharaxayay agabta raggaasi wateen ayaa sheegay inuu yahay alaabo loogu talo galay in lagu gumaado shacabka Somaliyeed ee ku sugan Bosaso, wuxuuna xusay in xubnaha yihiin kuwo aad usoo diyaar garoobay.

Isagoo sii hadlaya, wuxuu hadalkiisa ku daray in kooxaha Argagixisadu aysan beegsanayn mas’uuliyiinta dowladda, ciidamada iyo saraakiisha kale ee wax ku oolka ah, balse qorshahoodu yahay sidii ay u gumaadi lahaayeen shacabka maatada ah ee aan waxba galabsan.

Cornel-ka ayaa sidoo kale xusay in raggaan laga jaasayn doono cadaawada ay doonayeen inay ku laayaan shacabka Bosaso.

Xubnahan ayaa la qabtay dhowr cisho kadib markii magaalada Bosaso shakhsi katirsanaa Daacish uu ku dilay 4 qof oo mid kamid ah Askari ahaa.

Maaha Qaraxii ugu horeeyay ee lagu qabtay Bosaso, waxaana kan kii ka horeeyay la qabtay xilli habeenimo ah iyadoo 5 qof oo dhawaan dil toogasho lagu xukumay doonayeen inay ku weeraraan xarumo lagu sheegay saddex goobood oo muhiim ah.

Kooxaha Argagixisada ayaa xoojiya bisha Ramadaan weerarada loo adeegsado qaraxyada.

GAROWEONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM