Taliyaha Booliiska Puntland oo Xabsi Gurri la Galiyey

Image

GAROWE, Puntland - Taliyaha Booliiska Puntland Cabdulqaadir Farax Shire Ereg ayaa waxaa la galiyey Xabsi guri kadib markii habeenkii xalay rasaas uu ka ridey goob ay ku shireysay madaxda amniga la beegsadey Gudoomiyaha gobolka Nugaal halka ay dhaawac soo gaarsiisey ku xigeenka Booliska.

Dowlada Puntland oo aan war rasmiya kasoo saarin ayaa wararka Garowe online soo gaaraya sheegayaan in amar shaqada looga joojinayo Taliyaha Booliska Puntland islamrkaana xabsi Gurri galiyey.

Shilkaan oo ku soo beegmey xilli Madaxweynaha Puntland isu diyaarinayo safar uu ku aadayo caleemo saarka Madaxweynaha maamulka HirShabeele maalinta Isniinta ayaa wararku sheegayaan in uu jiro qorshey ah in baarista dhacdadaan loo saari doono guddi.

Taliyaha Booliska Puntland ayaa horey shaqada waxaa ugu joojiyey Madaxweyne ku xigeenka balse waxaa shaqada dib ugu soo celiyey Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamad Cali Gaas.

Cabdulqaadir Farax Shire Ereg ayaa kamid ah dadka wadanka dibadiisa shaqada kasoo doontey isagoo shaqooyin dhinaca Booliska ah ka qaban jirey dowladii Maxamad Siyaad Barre.

Sanadkii hore 2016 ayaa is-raaseyn dhexmartey saraakiisha Booliska Puntland waxaa ku dhaawac culus kasoo gaarey Wasiirkii amniga Cabdi Xirsi Qarjab.

 

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM