Taliyaha Booliska Puntland oo xilka laga qaadey

Image

Wareegto kasoo baxdey xafiiska madaxweynaha Puntland ayaa maanta xilka looga qaadey Taliyihii Booliska Puntland Cabdirizaq Maxamud Yusuf Afguduud iyadoo xilkaas si KMG ah loogu magacaabey Cabdidulqaadir Shire Farax Ereg.

Xil Ka qaadistaan ayaa timid labo maalmood kadib markii madaxweynaha Puntland warbixin ka dhageystey guddi loo xilsaarey mashaqadii ka dhalatey gacan saar dhexmarey taliyaha Booliska iyo taliyaha ciidamada Birmadka Afdalow. 

Warbixintaan ayaa waxaa lagu soo gudbiyey Afar qodob oo kala ah; In xilka laga qaado labada Taliye xilka, In masu'uuliyada shilkii ka dhacdey xerada Birmadka Bossaso qaadato dowlad, In dib habeyn lagu sameeyo Booliska Puntland iyo In Taliye KMG ah la magacaabo.

Taliyaha KMG ah ayaa muddo kooban ahaa Taliye ku xigeenka Booliska Puntland isagoo horey isaga casiley gudoomiyaha gobolka Mudug.

Wareegtadaan ayaa lagu sheegey in taliyaha cusub deg deg u soo magacaabo taliyaha ciidamada Birmadka Booliska iyadoo xil ka qaadis lagu sameeyey taliyihii ciidamada Birmadka.

Warsidaha Garowe Online ayaa wax ka qorey maalin ka hor talo soo jeedin Madaxweynaha Puntland u soo gudbiyeen guddi loo xilsaarey baarista shilkii ka dhacey xerada ciidamada Birmadka HALKAN KA AKHRISO MAQAALKAAN 

GAROWEONLINE

Related Articles

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM