Taliye ku xiigeenkii ciidamada Booliska Puntland oo u dhintey dhaawac soo gaarey

Image

BOSSASO, Puntland- Taliye ku xigeenkii labaad  ee ciidamada Booliska Puntland Col. Jamac Saxardiid ayaa u dhintey saaka dhaawac kooxo dabley ah u gaysteen maalintii shaley  isaga oo fadhiya goob makhaayad ah ee ku taal magaalada Bossaso.

Sarkaalka dhintey oo lagu daaweynayey Isbitaal ku yaal magalada Bossaso ayaa sida wararka sheegayan dhaawacyo culus kasoo gaareen weerar shaley la beegsadeen labo dhalinyaro ah oo ku hubeysnaa bistoolado.

Kooxda Al shabaab ayaa sheegatey in weerarkaan sarkaalkaan ka dambeysay iyagoo warkaas ku baahiyey bogaga ku hadla af-kooda.

Dilka Col.Saxardiid ayaa imaanaya asbuuc kadib markii ciidamada Puntland magalada Qandala ka qabsadeen kooxaha maleeshiyaad ah oo sheegey iney taagersan yihiin ururka Daacish.

Taliyaha dilkiisa ayaa sidoo kale imaanaya xilli habacsanaan balaaran ka jirto amniga Puntland marka laga eego dhinaca sirdoonka iyo mushahar siinta ciidamada ku howlan ilalainta sugida amaanka magaaloyinka waaweyn ee hoos yimaada maamulka.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM