Tartanka Horyaalka kooxaha heerka kowaad ee Puntland oo bilaaban doona

Image

GAROWE, Puntland- Tartanka horyaalka kooxaha heerka koowaad ee Puntland ayaa asbuuca  magaalo madaxda Puntland ee Garowe sidaas waxaa u sheegey Radio Garowe sarkaal ka tirsan xiriirka kubadda cagta Somalia.

Tartankaan ayaa waxaa ka qayb gali doona 9 kooxood oo kala dhisan magaaloyinka Garowe, Galkacayo, Qardho iyo Bossaso kuwaasoo is-aragooda ugu horeeya ku yealan doona magaalo madaxda Puntland.

Dib u dhaca ku yimid inuu bilowdo horyaalka kubbada cagta Puntland ayaa lagu sheegey dagaalka magalada Galkacayo ka dhacey kasoo sababey in kooxaha qaarkood diyaargaroobi kari waayeen.

Sarkaalkaan ayaa sheegey in dhamaan la diyaariyey qalabkii koxahaan u baahnaayeen     Islamarkaana dib habeyn lagu sameeyey garoomada ay ku cayaari lahaayeen.

Is-araga kooxahaan ayaa ka dhici doona dhamaan magaaloyinka kale ay ka dhisan yihiin iyadoo caayaraha ugu horeeya kawada dhici doonaan magaalada Garowe.

Halkaan ka Akhri shaxda is-araga koxahaan oo ay soo gudbiyeen xiriirka  kubbada Cagta Somalia.

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM