​TPEC oo shir u qabatay bulshada rayidka ah [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland (TPEC), ayaa shir u qabtay maanta xubno kasocday aqoonyahanka Puntland iyo bulshada rayidka ah kaasoo looga hadlayay dar-dargalinta nidaamka dimuqraadiyadda.

Kulankan oo uu soo qaban qaabiyay TPEC islamarkaana lagu qabtay xarunta PDRC, waxaa goob joog  ka ahaa Wasiirrada wasaaradaha Warfaafinta, Qorshaynta, xubno kasocday Midowga Yurub, xubnaha Guddiga KMG ah ee doorashooyinka, Aqoonyahano iyo haween.

Shirkan ayaa diiradda lagu saaray sidii la isaga kaashan lahaa nidaamkan iyo doorka bulshada rayidka ah ka qaadan karto hirgalintiisa.

Guddoomiyaha Guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland, Cabdiraxmaan Diiriye Samatar, oo furitaankii shirka ka hadlay ayaa sheegay in Guddigu dedaal dheer ku bixinayo sidii barnaamijkan uu uga hirgali lahaa deegaanada Puntland.

Cabdiraxmaan ayaa bulshada rayidka ah ka codsaday inay ka qayb qaataan islamarkaana gacan ka gaystaan sidii looga gudbi lahaa nidaamka Qabaliga ah islaamrkaana loo gaari lahaa in shacabku doortaan cida hogaaminaysa.

Qaar kamid ah shacabkii ka qayb galay kulankan oo afkaartooda ka dhiibanayay su’aalo Guddigu weydiiyay oo ah qaabka loogu tallaabsan karo nidaamkan, ayaa sheegay in wacyi galin ballaaran la sameeyo islamarkaana dadka laga dhaadhiciyo faa’iidada nidaamkan uu leeyahay.

Rama Jane iyo Atanasaova oo kasocday Midowga Yurub, ayaa aad ugu riyaaqay dedaalka Guddiga Doorashooyinka Puntland, waxayna tilmaameen inay farxad galinayso arrintan beesha caalamka.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Puntland, Cabdi Xirsi Cali Qarjab iyo Wasiir ku-xigeenka Qorshaynta Siciid Faarax Maxamud Oja ayaa shacabka ugu baaqay inay iska dhaafaan wararka aan sal iyo raadka lahayn ee ku saabsan Barnaamijkan, balse  ay ku mashquulaan sidii looga faa’idaysan lahaa waqtiga la haysto oo ay furtaan Ururo siyaasadeed.

Kulankan ayaa yimid xilli dhawaan Guddigu shir u qabtay siyaasiyiinta daneeya dimuqraadiyadda Puntland, wuxuuna qayb ka yahay qorshayaal is xiga oo guddigu ku wacyi galinayo bulshada reer Puntland si loo hirgaliyo Nidaamka axsaabta badan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM