Wadada laamiga ah ee bartamaha Gaalkacyo oo xariga laga jaray

Image
Jidkan ayaa muhiim u ah horumarka, isu socodka gaadiidka iyo bilicda magaalada.

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa saaka xariga ka jaray Wadada laamiga ah ee bartamaha Gaalkacyo, oo la dhameeyay wejiga koowaad oo ah 1.15KM.

Jidkan oo muhiim u ah horumarka, isu socodka gaadiidka iyo bilicda magaalada ayaa lagu dhisay si iskutashi bulsho ah oo ay maamulkiisa ka hawlgaleen Guddiga Horumarinta degmada Gaalkacayo, waxaana dhisay Shirkadda Wadaniga ah ee Kebarco.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ku bogaadiyey bulshada Gaalkacyo, Guddiga Horumarinta magaalada iyo Shirkadda Wadaniga ah ee Kebarco dedaalka dhaxalgal ka ah ee ay ku hirgeliyeen dhismaha Wadadaasi, taasi oo muhiim u ah horumarinta magaalada dhankasta, waxaana uu xusay Madaxweynuhu in bulshadu laf-dhabar u tahay dowladnimada horumarkeeda iyo jiritaankeedaba. 

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM