Wafdi ka socda baarlamaanka Puntland oo lagu soo dhaweeyay Boosaaso

Image
Soo dhaweynta ayaa ahayd mid heer sare ah oo ay ka qayb qaateen maamulka Gobolka Bari, kan Degmada Boosaaso, saraakiisha ciidamada, iyo dadweynaha.

GAROWE, Puntland - Wafdiga uu hoggaaminayo Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, Mohamed Baarri Shire, ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay Magaaladda Boosaaso. Soo dhaweynta ayaa ahayd mid heer sare ah oo ay ka qayb qaateen maamulka Gobolka Bari, kan Degmada Boosaaso, saraakiisha ciidamada, iyo dadweynaha degaanka, kuwaas oo safaf dhaadheer uga hor yimid wefdiga magaalada bannaankeeda.

Soo dhaweyntan ayaa qeyb ka ah kormeerka ballaaran ee wefdigu ku marayo Gobollada Bari iyo Karkaar, iyagoo u kuur galaya xaaladda amniga, adeegyada bulshada, iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaale ee gobolladan.

Intii uu socday booqashadooda, wefdiga ayaa kulamo wadatashi la yeeshay bulshada Gobollada ay marayeen Carmo, iyagoo xooga saaraya sidii loo xoojin lahaa wada shaqaynta hay’adaha dawladda iyo dadweynaha.

Maamulka Gobolka Bari iyo kan degmada Boosaaso, oo ay hoggaaminayeen Guddoomiyaha Gobolka Bari Taliyaha qeybta Booliska iyo Duqa Degmada Boosaaso, ayaa wefdiga ku soo dhaweeyay Boosaaso. Intaa waxaa dheer, saraakiisha ciidamada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa iyaguna muujiyeen sida ay u garab taagan yihiin Dawladda iyo horumarinta gobolka.

Dadweynaha Boosaaso ayaa si farxad leh ugu soo baxay waddooyinka, iyaga oo lulayay calanka Puntland, waxaana si weyn loo dareemayay niyadda wanaagga ee bulshada iyo wadajirka ka muuqday soo dhaweynta wefdiga. Munaasabadda soo dhaweynta ayaa ahayd mid aan caadi ahayn oo ku dheehan is dhexgal iyo wadatashi, iyadoo loo diyaar garoobayo kulamo muhiim ah oo ay la yeelan doonaan qaybaha kala duwan ee bulshada magaalada.

Kormeerka wefdigu wuxuu qayb ka yahay qorshaha Dawladda Puntland ee dib u eegista adeegyada bulshada, amniga iyo horumarinta mashaariicda muhiimka ah ee ka socda gobollada Bari iyo Karkaar, si loo xaqiijiyo nabadda, isku xirnaanta, iyo horumarinta degaannadaas.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Puntland oo qabatay eedeysane kamid ahaa dabley afduubatay markab

Markabka MV Abdullah oo la afduubay 12 March 2024 ayaa la siidayay 13 April, kaddib markii laga qaatay lacag madax furasho ah.

  • Puntland

    27-09-2024

  • 07:41AM

Deni oo iclaamiyay wadahadal lagu xalinayo khilaafka federaalka

Madaxweynaha ayaa hadalkan ka jeediyay casho sharaf uu u sameeyay ka qeyb galayaasha Shir Sanadeedka Nabadda ee PDRC.

  • Puntland

    23-09-2024

  • 07:31PM