Wafdi kasocda HirShabeelle oo Garowe ku sugan

Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Wafti uu hoggaaminayo Wasirka Qorshaynta iyo Xiriirka Qurba Joogta Maamulka HirShabeelle ayaa so gaarey Magalada Garowe ee Caasumadda Puntland.

Xubno kamid ah golaha xukuumadda HirShabeelle ayaa sidoo kale kamid ahaa wafdigaas.

Socdaalkooda oo ahaa mid aan la shaacin ayaa wararka uu helayo GO, waxay sheegayaan inay la xariirto kala faa'iidaysi dhinaca Khibradda ah, maadaama maamulkaas uu yahay curdan dhawaan la dhisay.

Wasiir Qorshaynta iyo Xiriirka Qurba Joogta Maamulka HirShabeelle Maxamed Cabdi Cabdillaahi ''Gabiley'' oo la hadlayay Radio Garowe, ayaa yiri,"Puntland waa hooyadii Federaalka anaguna waxaan kamid naha Federaalka waliba maamulkii ugu dambeeyay ee la dhisay, waxaan Garowe u nimid inaan ka qaadano Aqoon kororsi, balse Siyaasad uma imaan."

Wuxuu sheegay in qorshadoodu yahay sidii maamulka HirShabeelle u noqon lahaa mid aas-aaskiisu wanaagsanaado, isagoo xusay in aqoon kororsigii uga socday Puntland uu marayo meel wanaagsan.

"Guriga hadii uu aas-aasku ka xumaado waad garan kartaan, anaga waxaan doonaynaa inaan maamulkeena ka dhigno mid adag oo taf ah, waxaana doonaynaa inaan Puntland ka qaadano wixii wanaagsan si aan u noqono maamul wanaagsan," Ayuu yiri wasiir Gabilay.

Xubnaha ayaa Garowe soo gaaray maalintii Khamiista ee lasoo dhaafay, waxayna baxayaan Barri oo Axad ah, waana markii ugu horaysay wafdi heerkan le'eg uu soo gaaro magaalada Garowe.

GAROWEONLINE

Related Articles

Maxay Tahay Tallaabada ay Puntland Qaadeyso Haddii Dowladda Federaalka Faragelin ku Sameyso Amnigeeda?

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadda Puntland ay heegan buuxa ku jiraan...

  • Puntland

    01-07-2026

  • 11:03AM

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM