​Wafdi kasocda Turkiga oo Garowe soo gaaray

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE- Wafdi uu hogaaminayo Safiirkii hore ee dowladda Turkiga u fadhiyay dalka Somalia Dr. Kani Torun haatanna ah xildhibaan Barlamanka waddankaasi kamid ah ayaa maanta soo gaaray magaalo madaxda Puntland ee Garowe, waxaana  la socday safiirka cusub ee Turkiga u fadhiya Somalia Ambassador Olgan Bakar iyo saraakiil sare oo ka tirsan safaaradda dalkaasi.

Mas'uuliyiintan ayaa loo sameeyay soo dhaweyn waxaana garoonka diyaaradaha Canoco kaga hortagay Gudoomiyaha Barlamanka Axmed Cali Xaashi iyo xubno katirsan golaha wasiirrada Puntland.

Soo dhaweynta mas'uliyiintan Turkiga kasocda iyo madaxweyne Gaas ayaa wada qaatay kulan albaabada loo xiray, waxaana markii uu soo dhammaaday warbaahinta si wadajira ah ula hadlay madaxweyne Gaas iyo Xildhibaan Kani Torun.

Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in ay kawada hadleen wafdigan xiriirka u dhexeeya Dawladda Puntland iyo Dawladda Turkiga, arrimo khuseeya bulshada, bani’aadanimada iyo mashaariic horumarineed oo dawladda turkigu ka waddo Puntland iyo geeddi-socodka Nabadda Somalia.

“waxay noogu yimaadeen inaanu kawada hadalno xiriirka ka dhexeeya Turkiga iyo Dawladda Puntland, sidoo kale waxaanu kawada hadalnay mashaariicda horumarineed, arrimaha ijtimaaciga ah iyo mid xagga banii’aadannimo oo ay doonayaan in ay ka sameeyaan Soomaaliya gaar ahaan Puntland iyo sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen geeddi-socodka nabadda Soomaaliya,”Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Dhinaca kale Dr. Kani Torun ayaa tilmaamay inuu aad ugu faraxsanyahay qaabka wanaagsan ee Garowe loogu soo dhaweeyay, wuxuuna xusay inay Puntland u yimaadeen sidii loo dar-dargelin lahaa mashaariicdii ay kawadaan Somalia.

Waa markii saddexaad wafdi kasocda Turkigu soo gaaraan magaalo madaxada Puntland ee Garowe, waxaana arrintani kusoo aadaysa xilli ay socdaan kulamo looga hadlayo habraaca doorashada Somalia iyo qaabka Puntland loogu qancin lahaa inay qaadato 4.5.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM