Wafdi uu hogaaminayo Ra'isal wasaarihii hore Somalia oo Galkacyo yimi

Image

03 January, 2015(GO)-Waxaa maanta magalada Galkacyo xarunta gobolka Mudug soo gaaray wafdi uu hogaaminayo Ra'isal wasaarihii hore Somalia Cabdiwali Sheekh Axmed kaaso ka yimi magalada Muqdishu.

Safarka wafdigan ayaa lagu sheegay ka qayb galka munaasabadda lagu furayo garoonka diyaaradaha Bosaso, waxaan la filayaa in xarigga laga jaro 08 bishan.

Cabdiwali Sheekh Axmed oo saxaafadda kula hadlay Galkacyo ayaa tilmaamay in qorshahoodu yahay qaabkii ay shacabka reer Puntland ula qaybsan lahaayeen farxadda munaasabadda lagu furayo garoonka diyaaradaha Bosaso oo muddo sannad ah ku socotay dhismo.

Mas'uuliyiinta uu hogaaminayay Ra'isal wasaarihii hore Somalia, waxaa kamid ah Cali Maxamed Geeddi, waxayna hordhac u yihiin wufuud kale oo ka imaan doona magalada Muqdishu xarunta Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM