​Wakiil kasocda Garaad Saleebaan oo arrimaha doorashada Garowe loogu xiray

Image

GAROWE, Puntland- Waxaa maanta magaalada Garowe caasumadda Puntland lagu xiray nin lagu magacaabo Maxamed Garaad Saleebaan oo wakiil u ah Garaad guud ee Dhulbahante, kaasoo muddooyinkii dambe arrimo caafimaad ugu maqnaa dalka dibaddiisa.

Xariggan ayaa la xiriira labada Kursi ee beesha Ugaaryahan ka heshay Aqalka hoose ee Barlamanka Federaalka Somalia, waxaana wakiilnimada Garaadkaasi  si khasab ah ugu shaqaysanaya mudane katirsan Barlamanka Puntland oo lagu magacaabo Saadiq Abshir Gaaraad.

Wararka ku saabsan xarigaas ayaa sheegaya in loo malaynayo taallabadaas inuu qaaday Mudane Saadiq, kaasoo doonaya inuu musuq-maasuqo Ergada labadaas xubnood.

Saadiq Garaad ayaa taageero xoog leh ka helaya, sida ay sheegayso xogta soo gaartay Garowe Online, xubno katirsan guddiga doorashooyinka dadban iyo madaxweyne Gaas, madaama uu ninkan horjooge u yahay qayb katirsan mudanayaasha Dhulbahante ee ku jira Barlamanka Puntland.

Arrintan ayaa qayb ka ah ku tagrifalka awoodeed iyo handadaada ka jirta doorashada Aqalka hoose ee Somalia, waxaana qoraal kasoo baxay beesha caalamka iyo Hanti dhowraha Somalia, lagu cadeeyay in mas'uuliyiin katirsan dowladda Federaalka ee waqtigeedu dhammaaday iyo maamullada dalka ay u afduubantahay doorashada Aqalka hoose, kuwaasoo raadinaya inay booska gaystaan dad iyaga danahooda u adeega.

GAROWEONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo Xabsiga Dhigay Haweeney Ku Eedeysan Dilka Gabar 14-Jirka Ah

Baaritaanka meydka ayaa muujiyay dhaawacyo badan, oo ay ku jiraan calaamado muujinaya in gabadha la ceejiyay iyo garaacis xoog leh.

  • Puntland

    15-11-2025

  • 07:40AM

Ciidamada Puntland oo Dilay Madaxii Qaraxyada Kooxda Daacish

Waxay intaas ku dareen in inta badan khubaro ISIS u qaabilsanaa qaraxyada gobolka la dabar gooyay, ayna ciidamada amniga...

  • Puntland

    12-11-2025

  • 09:45AM