Walidiintii carruurtooda lagu laayay Yemen oo hadlay

Image

GAROWE, Puntland- Qaar kamid ah waalidiintii ay carruurtoodu ku dhinteen weerarkii bishii hore ka dhacay dalka Yemen, ayaa cabasho xoog leh ka muujiyay qaabka loo wajahay kiiskaas iyo halka ay ku dambeeyeen dadkoodii.

Waaridiintan oo isugu jiray;  kuwo dhallaankoodu ku dhinteen duqayntaas iyo qaar dhalay kuwo dhaawac ah, ayaa sheegay inaan wali la'aasin dadkii maydka ahaa islamarkanaa dhaawacyadu aysan haysan daryeel fiican.

Waxay intaas ku dareen in xiriirka ay la leeyihiin dadkooda nool ay aad u liidato.

Waxay intaas ku dareen in mashaqadaas dhacday uga darantahay Maydka ku jira tallaagadaha oo aan wali la duugin.

Waxay codsadeen in laga caawiyo sidii ay maydkooda u aasan lahaayeen dhaawacyadoodan dib loogusoo wareejin lahaa.

Dhinaca kale, Axmed Cabdi Xasan (Suudaani) Qunsulka Safaarada Soomaaliya ee dalka Yemen oo la hadlayay warbaahinta gudaha ayaa ka marag kacay cabashada waalidiinta.

Qunsulka ayaa sheegay 31 ruux meydkooda inay ku jiraan talaagado, kuwaasi oo qorshaha uu yahay marka eheladooda la helo in la aaso, ka horna halkaasi ay ku jiraan.

Suudaani ayaa sidoo kale tilmaamay in 17 qof oo dhaawac ah ku jiraan cusbital islamarkaana xaaladoodu aad u liidanto.

Sidoo kale wuxuu sheegay intii ka soo hartay dadkaasi ee badbaaday inay ku xiran yihiin xabsi ku yaal magaalada Xudeyda oo ah goobta ay ka dhacday Duqeynta dadkaasi Soomaaliyed lagu laayay.

Cabashadan ayaa timid xilli muddo laga joogo weerarkii ka dhacay xeebaha dalka Yemen oo lagu weerary doon ay saarnaayeen dad shacab ah oo kusii jeeday dalka Suudan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ardey Soomaaliyeed oo Lagu Xirey Turkiga loona Soo Tarxiiley Soomaaliya

Qaar ka mid ah ehelkiisa oo la hadlay Garowe Online waxay sheegeen in aan wali si rasmi…

  • Puntland

    27-07-2025

  • 10:47AM

Mareykanka oo howlgal gaar ah ka fuliyay Buuraha Calmiskaad, Puntland

Taliye sare oo katirsan kooxda ayaa lagu qabtay, kaasoo la sheegay inuu u qaabilsanaa dhanka maaliyadda.

  • Puntland

    26-07-2025

  • 02:03PM