Waqtiga diiwaan-gelinta xisbiyadda Puntland oo la muddeeyay

Image

GAROWE, Puntland – Guddiga ku meel gaarka ah ee doorashooyinka Puntland ayaa ku dhawaaqay in diiwaan-gelinta ururadda siyaasadda ay bilaabayaan 15-ka December 2019, oo ku beegan Axada maanta ah.

Guuleed Saalax Barre, gudoomiyaha guddigaas, ayaa hadalkan ka sheegay munaasabadda daah-furka qorshe-howleedka guddiga oo habeenimadii Sabtida lagu qabtay magaaladda caasimada ah ee Garowe.

Diiwaan-gelinta xisbiyadda ayaa socon doonta muddo saddex-bilood ah, sidda uu ka dhawaajiyey Guuleed.

"Dhamaan habraacyadda, shuruudaha iyo dukumiintiyadda muhiimka u ah is-diiwaan-gelintaas waxay diyaar ku yihiin xarumaha dhexe ee Guddiga," ayuu hadalkiisa raaciyey.

Dhinaca kale, Guuleed oo kalsooni ka muujiyey in ay qaban-karaan doorashooyin qof iyo cod ah ayaa uga mahad-celiyay xukuumadda madaxweyne Deni in ay ku dhaqaaqday talaabooyin muhiim ah.

Talaabooyinka ayaa waxaa kamid ah; in xili hore la magacaabay, loo madax-banaayeeyay shaqadooda, lana kordhiyey qoondada ay ku leeyihiin Miisaaniyadda dowladda Puntland.

"Waxaanu haysanaa waqti nagu filan oo aan ku hirgelin karno [doorasho qof iyo cod ah]," ayuu gudoomiyuhu hoosta ka xariiqay.

Puntland ayaa sanadihii u dambeeyay xusul-duub ugu jirtay nidaamka xisbiyadda Puntland, iyaddoo hirgelintiisa ay ugu dhoweyd dowladii Faroole, hase ahaatee, waxaa is-hortaag ku sameeyay siyaasiyiin dano gaar leh.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo Xabsiga Dhigay Haweeney Ku Eedeysan Dilka Gabar 14-Jirka Ah

Baaritaanka meydka ayaa muujiyay dhaawacyo badan, oo ay ku jiraan calaamado muujinaya in gabadha la ceejiyay iyo garaacis xoog leh.

  • Puntland

    15-11-2025

  • 07:40AM

Ciidamada Puntland oo Dilay Madaxii Qaraxyada Kooxda Daacish

Waxay intaas ku dareen in inta badan khubaro ISIS u qaabilsanaa qaraxyada gobolka la dabar gooyay, ayna ciidamada amniga...

  • Puntland

    12-11-2025

  • 09:45AM