Warbixin: Madaxweynaha Puntland oo heshiisyo kale la saxiixdey shirkado laga leeyahay dalka China
GAROWE, Puntland- Madaxweynaha Puntland oo booqasho ku jooga dalka China magaalada la yiraahdo Hangzhou ayaa wararka ka imaanaya safarkiisa sheegayaan inuu heshiis is Afgarad ( MOU) ah la saxiixdey shirkad la yiraahdo CCECC.
CCECC oo laga leeyahay dalka China ayaa xafiisyo ku leh dalalka Jabuti iyo Ethiopia. Shirkada CCECC oo dhistey garoonka diyaardaha magalada Bosasso kasoo lacagtiisa bixisay dowlada dalka Talyaaniga ayaa wararka hordhaca ee ka imaanaya sheegayaan in la siiyey labo goobood ay ka qotaan shidaal ( Blocks) halka badalkeeda la waydiistey iney bixiso Mashruuc lagu dhisayo garoonka diyaardaha magalada Galkacayo.
Dhinaca kale heshiiska lala galay shirkadaan CCECC oo kaashaneysa shirkad kale ayaa waxa kamid ah kaluumeysi ay ka sameyneyso xeebaha Puntland iyadoo taasna badalkeeda lagu waydiistey lacag gareysa 10 milyan dollar.
Safarka madaxweynaha Puntland ayaa waxaa ku weheliya wasiiru dowlaha Kaluumeysiga iyo xubno kale ee ka tirsan golayashiisa dowlada.
Xukuumada Madaxweyne Gaas ayaa tan iyo intii ay la wareegtey talada dalka saxiixdey hehsiisyo Kaluumeysi kuwasoo si sharci daro ah maraakiibtooda ugu jiraan badaha Puntland.
Heshiisyada Madaxwynaha Puntland
Madaxweynaha Puntland ayaa sadexdii sano uu xilka hayey safaro kala duwan ku tagey dalalka Carabta isagoo heshiisyo kala la galey shirkado iyo shakhsiyaad maalqabeeno ah kuwasoo aan dhamaantood waxba ka fulin.
Hehsiisyadaas ayaa waxaa kamid ahaa qandaraas madaxweynaha Puntland la saxiixdey Ganacsade u dhashey dalka Falstiin kasoo ahaa in la balaariyo dekada magaalada Bossaso Halka heshiiyo is-afgarad ah horey ula saxiixdey Ganacsade u dhashey dalka Sucuudiga.
Madaxweynaha Puntland ayaa heshiiska uu la galey ganacsadaha Falastiiniga sida warsidaha Garowe Online fahansan yahay looga qaatey lacago hormaris ah Halka dhinaca kale loo saxiixey qabdaraas inuu mamaulo dekada magaalada Bossaso kasoo soconaya muddo 25 sano ah
Heshiiska iyo lacagaha laga qaatey ganacsadaha Falastiiniga ah ayaa waxaa uu caqabad ku noqdey in Madaxweyne Gaas heshiis kale ee lagu balaarinayo dekada Bossaso la galo shirkada DP world taasoo Mashruuc balaaran ka wada dekada Berbera.
Khilaafka hay'ada shidaalka iyo Macdanta ee Puntland
Waxaa in muddo ah khilaaf dhinaca shaqada ah ka dhex taagnaa saraakiisha hay'adaha shidalka iyo macdan baarista Puntland kasoo Madaxweyne Gaas uusan waxba ka qaban.
Khilaafkaan ayaa soo shaac baxey kadib markii madaxwynaha Puntland in muddo ah uusan howlaha hay'adaan kala tashan madaxa hay'adaan Ciise Dholawaa kaa soo iminka aan safarka dalka China ku wehelin waftiga Gaas.
Ciise Dholowaa oo safarka madaxwynaha Puntland ee China warsidaha Horseed Media wax ka waydiisey ayaa sheegey inuusan waxba kala socon.
Howlaha hay'ada iyo shirarka xukuumada Madaxweynaha Puntland la laheyd shirkadaan laga leeyahay dalka China ayaa waxaa mudooyinka dambe garwadeen ka ahaa ku xigeenka hay'adaan Cabdicasiis Xaaji-Sayn oo jifi hoose yihiin Mud. Gaas.
Xaaji oo ah nin dhalinyaro ah oo aan wax khibrad u laheyn howlaha lagaga hadlayo khayraadka Puntland ayaa sida warsidaha Garowe online fahansan yahay albaab walba u garaacey Inuu si sharci daro ah ku iib geeyo khayradka degaanada Puntland kuwasoo ay ku jiraan macdanta.
Madaxweynaha Puntland ayaa markii uu talada Puntland la wareegey waxaa howlihii dalka u gacanta u galiyey dhalinyaro kala duwan kuwasoo qaarkood ka shaqeyn jireen xafiiskiisa markii uu Ra'isal wasaaraha ka ahaa Somalia halka kuwa kale yihiin isku jifiyo hoose.
Dhalinyaradaan ayaa curyaamisey howihii wasaaradaha iyo hay'adaha kala duwan u qaban jireen shacabka Puntland kuwasoo Madaxweyne Gaas ku wada magacaabey shaqooyin la mid ah kuwii ay wasiirada iyo howladeenada dowladu qaban lahaayeen.
Warsidaha Garowe online ayaa baaris ku Haya howlaha hay'ada shidaalka macdanta Puntland anagoo warar keena dambe idinku soo gudbin doona howlaha qaraoodiga ah oo ay ka wado degaanada Puntland.
GAROWEONLINE