Warbixin: Xiriirka u dhexeeya shirkada dhismaha Is-Xilqaan, Cabdirizaq Eelaay iyo Gaas
GAROWE, Puntland- Mashruuca dhismaha wadada xiriirisa magaalooyinka Garowe-Galkacayo ayaa waxaa maal geliyey sanduuqa dhaqaalaha ee Yurub (EU), iyadoo fulintiisa loo xil saaray Hayada GIZ , Wasaaradda Hawlaha Guud iyo hay'ada wadooyinka Puntland PHA/NESHA.Shaqada la qorsheeynayo in la qabto waa in dayactir lagu sameeyo 80km oo waddo ah taasoo u dhexeysa tuulooyinka Jalam iyo Xarfo, sidoo kale howshaan fulinteeda ayaa waxaa ku jira dhismo iyo dayactir lagu sameynayo in ka badan 96 buundo.
Madaxweynaha Puntland oo ku daahfurey Mashruucan sanadkii 2015 xaflad ka dhacdey hoolka wasaarada Caafimaad ee Garowe, ayaa waxaa lagu soo bandhigay barnaamijkaas in dayactirka wadada u dhexeysa magaalooyinka Garowe- Galkacayo loo hayo dhaqaale gaaraya 21 million, EURO balse lacagta loo hayo qayb kamid ah mashruucaan ayaa ah oo kaliya 8milyan oo dollar.
Madaxa shirkada GIZ ee Somalia oo wareysi gaar ah horey u siiyey warsidaha Garowe Online ayaa ka gaabsadey inuu sheego inta ay tahay guud ahaan lacagta loogu talagaley dayactirka wadadaan balse xusey in waqtigaan miisaaniyad u hayaan 80 km oo kaliyah . Halkaan ka akhri
Qandaraaska Mashruucaan oo ay soo codsadeen shirkado laga leeyahay gudaha Puntland ayaa waxaa hareeyey sidii loo maamuley musuqmaasuq baahsan kasoo ay ku lug leeyihiin hay'daha Dowlada iyo saraakiil ka tirsan xafiiska Madaxweynaha Puntland.
Shirkadaha maxaliga ah ee soo codsadey qandaraas bixinta Mashruucaan ayaa waxaa taratankii ugu dambeeyey isugu soo ( Short List) sadex shirkadood kuwasoo kala ah; Al- Bashat, Is-Xilqaan iyo IL-Gar.
Madaxweynaha Puntland oo u Magacaabay xiriiriye ( Focal point) Mashruuca wadada Garowe-Galkacayo
Sida uu ogaadey warsidaha GO sanadkan 2016 horaantiisii ayaa Mudane Cabdiweli Maxamad Cali Gaas u magacaabey nin la yiraahdo Cabdirisaaq Axmad Aadan oo loo yaqaan Candirizaq Eelaay Inuu noqdo xiriiriyaha xafiiska madaxweynaha ee Mashruuca Dhismaha waddada isku xirta Garowe iyo Galkayo.
Ujeedada magacaabistani, waxay salka ku haysey in mashruucu si toos ah looga maamulo xafiiska Madaxweynaha Puntland iyadoo shaqada wakiilku tahay sidii warbixin toos ah uga siin lahaa xafiiska Mudane Gaas shaqada qandaraska dhinac farsamo iyo mid dhaqaaleba.
Magacaabista Candirizaq Eeley waxay sababtey in doorka hay’adihii dawliga ahaa lahaayeen meesha ka baxaan sida Wasaaradda Hawlaha Guud iyo PHA kuwasoo noqday kuwo magac-u-yaal ah.
Waa kuma Cabdirisaaa Axmad Aadan?
Mudane Cabdirisaaq Axmad Adan wuxuu ka mid yahay qurbo joogtii Puntland dib ugu soo noqotey kadib markii Madaxweyne Gaas xilka qabtay sanadkii 2014. Wakiilka Madaxweynaha Puntland oo ay isku jifi hoose yihiin ayaa haysta dhalashada wadanka Canada.
Haddaba, Muxuu soo kordhiyey Cabdirisaaq Eelay?
Bishii December 2015 Hay’adda GIZ waxay sheegtay in la bilaabi doono mashruuca waddada horraanta sannadkaan 2016 balse waxaa ku yimid dib-u-dhac la xiriira dhinaca amniga Puntland oo xumaadey halka magacaabiddii Cabdirisaaq Axmad Adan sababtey sidoo kale in hakad kale yimaado madaama uu jahawareer abuurey doorkiisa shaqo ee mashruucaan.
Xiriiriyaha mashruucaan ayaa sida Baaris uu sameeyey warsidaha GO ku ogaadey inuu jiro heshiis hoosaad horudhac ah uu la-galay shirkad kamid ah kuwa ku jira tartanka qandaraaska Mashruucaan. Shirkada Candirizaq Axmad Adam heshiiska hoose la galey ayaa waxaa lagu magacaaba Is-Xilqaan. Is-Xilqaan ayaa ah marka la eego dhinaca baaxada shirkada aad ugu yar kuwa kale ee tartanka kula jira.
Warar hoose oo lagu kalsoon yahay oo laga heley xoggo ku dhow Mashruucan ayaa waxay sheegayaan in shirkada Is-Xilqaan ay xiriirayaha xafiiska Madaxweynaha Puntland u sameeyeen balanqaad hadii uu ka caawino in qandaraaskaan ku guuleystaan.
Natiijada heshiiskaan hoose ayaa noqotey in Is-Xilqaan ogaato lacagta guud ee loogu talagaley in Mashrucaan lagu fuliyo iyadoo kadib codsiga qandaraakeeda ku qortey lacag aad uga yar marka loo eego shirkadaha kale ee tartanka kula jira.
Dhaqaalaha diyaarka u ah dib u habeynta wadadaan oo lagu qiyaasay 8 milyan dollar ayaa sida wararka sheegayaan shirkada Is-Xilqaan gudbisay iney ku hirgalineyso Mashruucaan lacag ku dhow 6 Milyan oo dollar taasoo ay ku jirto 96 buundo.
Shirkadaha dhismaha wadamada dunida sadexaad gaar ahaan kuwa ka howlgala Somalia oo heerka musuqmasuqoodu sareeyo ayaa xogta lacagta loogu talagalay Mashruuca ka hela saraakiisha ka howlgasha bixinta qandarasyadaan kuwasoo ka qaata lacago milkiilayasha shirkadaan " Kickback"
Hadaba wararka laga helayo howsha kala xulushada shirkadahaan oo ka socota xarunta hay'ada jidadka Puntland 'PHA' ayaa sheegaya in xiriiriyaha mashruucaan Cabdirizaq Axmad Adan ku wargaliyey saraakiisha wasarada howaha guud ee Puntland, hay'ada GIZ iyo PHA iney u codeeyaan shirkada dhismaha Is-Xilqaan iney ku guuleysato qandaraaskaan madaama ay soo gudbisay lacagta ugu yar ee lagu hirgalinayo Mashruucaan.
Warsidaha GO oo wax ka waydiiyey dad ku xeel dheer dhismaha wadooyinka ayaa sheegaya in dhaqalaha shirkada Is-Xilqaan soo gudbisay iney ku dhiseyso wadadaan uu ka hooseeyo midda lagu bixyo mashaariicda JPLG/ILO ee magoolooyinka ( Low Volume Roads) ee Puntland kuwasoo ah halkii KM in lagu dhiso inta u dhexeysa 100-120 kun oo dollar.
Shirkada Is-Xilqaan ayaa sida warsidaha GO fahansan yahay soo gudbisay in dhismaha Mashruuca wadada dhererkeedu yahay 80 km ku qortey codsiga qandaraaska iney ku hirgalineyso 1KM 70kun dollar taasoo macnaheedu yahay iyadoo xooga saareysa helista qandaraakaan balsa aan eegeyn mustaqbalka jiritaanka jidkaan.
Wadada Garowe - Galkacayo ayaa waxaa mara baabuurta waaweyn ee u kala gooshta magaalooyinka Puntland, Koonfurta Soomaaliya iyo waddamada deriska ah sida Ethiopia iyo Kenya. Heerka dhisme ee wadadaas ayaa loogu talo galay inay noqoto “HIGH VOLUME ROADS”.
Shirkada Is-xilqaan oo ay leeyihiin ganacsato qabiil ahaan aad ugu dhow Madaxweynaha Puntland ayaa warar lagu kalsoon yahay waxa ay sheegayaan in Mudane Gaas isaga oo adeegsanaya warbixintii warbaahintu ka qoreen shirkadaha kale uu ka codsadey guddiga qandaraaska iyo hay'ada GIZ iney siiyaan qandraaskaan shirkada dhismaha Is-Xilqaan islamarkaana ka saaraan tartanka shirkadaha kale oo saxaafadu eedeysay.
Xiriireye Cabdirizaq Axmad Adan iyo howlaha kale uu u hayo Madaxweyne Gaas
Magacaabista Cabdirizaq Eelaay kuma eka oo qura Mashruuca wadada Garowe- Galkacayo ee waxaa kale uu wakiil uga yahay Madaxweyne Gaas ayaa waxaa kamid ah; mashruuca African Development Bank maalgelisey, IGAD ay ka fulin doonto Puntland , lacagta loo qoondeeyeyna gaareysa 15 milyan dollar halka sidoo lugaha uu kula jiro mashruuc WORLD BANK dhowaan ka fulin doonto magaalda Garowe kaasoo lagu dhisi doona wadooyin iyo buundooyin cabirkooda gaarayo 29km.
Ugu dambeyn qoraalka warbixintaan ayaa waxaa uu daaha ka qaadayaa sida xafiiska Madaxweynaha Puntland uu Faraha ugula jiro howlihii hay'adaha dowlada kuwasoo gudan kari waayey wajibaadkoooda dastuuriga ahaa kadib markii shaqsiyaad ka yimid wadanka dibadiisa iyo gudahiisa uu xilal agaasimayaal, la taliyeyaal, xiriirayaal iyo iwm u magacaabey.
Shaqsiyaadkaan Madaxweyne Gaas u magacaaabayo xilalkaan ayaa kala ah kuwa ay isku Jifiyaad hoose yihiin halka qaar kale wadaagaan saxiibtinimo hore waxaan shaqooyinka ay hayaan diirada ku saarayan sidii ay mashaariicda dib u dhiska loogu sameynayo degaanada Puntland uga heli lahaayeen lacag degdeg ah "Kickback".
NB: dhowr xuquuqda warbixntaan iyadoo warsidaha GO uga mahadcelinayo dhamaan dadkii ka qayb qaatey diyaarinteeda.
GAROWEONLINE