Wariyeyaal Garowe tababar uga furmey

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

February 17, 2015 (GO)- Tababar muddo saddex maalmood ah socon doona ayaa qaar kamid ah wariyeyaasha ka hawlgala deegaanada Puntland maanta uga furmey magaalada Garowe.

Tababarkan oo casharrada lagu baran doono ay kamid yihiin anshaxa saxaafadda iyo xoriyatul qawlka waxaa soo qaban qaabiyey ururka saxafiyiinta Puntland MAP oo kaashanaya ururka saxafiyiinta Soomaaliyeed NUSOJ iyo hay'adda VIKES.

Wasiirka Warfaafinta Puntland Cabdiweli Xirsi Cabdulle Indho-guran  oo kulanka furey ayaa kula dardaarmey xubnaha tababarka ka qayb gelaya inay si fiican uga faa'iideystaan casharrada la siin doono, dibna ugula noqdaan goobihii ay ka yimaadeen.

Wakiil ka socdey hay'adda horumarinta warbaahinta ee VIKES oo fadhigeedu dalka Finland yahay ayaa isna sheegay inay tahay markii ugu horeysey ee hay'addaasi mashruuc caynkan oo kale ah ka fuliso Puntland, isagoo sidoo kale sheegay inay u kuur geli doonaan baahiyaha dhanka warbaahinta ee ka jira Puntland wixii awoodooda ahna ay wax ka qaban doonaan.

Ururka MAP oo sanadkii hore hoggaan cusub doortey wuxuu dadaal xooggan ugu jiraa sidii uu kor ugu qaadi lahaa aqoonta iyo xirfadda shaqo ee wariyeyaasha ka hawlgala deegaanada Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM