Wasaarada caafimaadka PL oo soo bandhigtay qorshaheeda 2015

Image

December 23, 2014 (GO)- Xarunta wasaarada caafimaadka ee Puntland waxaa maanta lagu qabtey kulan wada tashi ahaa islamarkaana diiradda lagu saaray waxqabadka wasaaradda ee sanadkan sii dhamaanaya iyo weliba qorshe howleedka u degen sanadka soo socda.

Kulanka waxaa kasoo qayb galay mas'uuliyiinta ugu sareysa wasaarada, saraakiil ka socotey hay'adaha ay wasaarada caafimaadka wada shaqeeyaan iyo weliba xubno laga casumay qaybaha kala duwan ee bulshada.

Markii uu soo gaba gaboobay kulanka oo muddo hal maalin ah soconayey ayaa waxaa Radio Garowe uga waramay qodobadii ugu muhiimsanaa ee kasoo baxay agaasimaha guud ee Wasaarada Caafimaadka Cabdirisaaq Xirsi Xasan.

Wuxuuna sheegay in sanadkii lasoo dhaafay wasaaradu waxyaabo badan ka qabatay dhanka kor u qaadista adeegyada asaasiga ah ee caafimaadka iyo weliba tabobarista xirfadleyaasha caafimaadka.

Madaxda Wasaarada caafimaadka oo bishii hore barlamanku su'aalo weydiiyeen waxaa arimihii xildhibaanadu kala doodeen kamid ahaa qorshaha wasaarada uga degen cudurada halista ah ee faafa, gaar ahaan cudurka Ebola oo sanadkan dunida in ka badan shan kun oo qof ku diley.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM