Wasaarada Maaliayada Puntland oo sheegtey inaan mushahar lagu laheyn sanadkii 2016

Image

GAROWE, Puntland- Warsaxafadeed kasoo baxay xafiiska wasiirka maaliyada Puntland ayaa lagu sheegay in ciidamadii dhowaan tagey xarunta Barlamanka Puntland aysan wax mushahar ah ku laheyn dowlada madaxweyne Gaas.

Warsaxafadeedkaan oo taabanyey arrimo badan ayaa lagu sheegay in madaxda wasaarada maaliyada Puntland cadeyneyso in ciidamdaan aysan jirin wax mushahar iyo adeeg ah ee ka maqan sanadka 2016 halka sanadka 2017 la siiyey mushaharadkoodii bishii January ee lasoo dhaafey waa sida hadalka loo dhigey.

Waasarada ayaa ku tilmaantey iney nasiib daro tahay in ciidamadaan soo baneeyaan goobihii ay difaaca ka jireen.

Dhinaca kale qoraalkaan ayaa lagu eedeeyey dad lagu sheegay iney marin habaabinayaan ra'yi caamka shacabka Puntland kuwasoo aan lagu xusin qoraalkaan magacyadooda iyo ururka siyaasadeedka  ay ka tirsan yihiin.

Madaxweyne Gaas ayaa sidoo kale maalintii shaley isagoo xariga ka jaraya shirkado ganacsi oo dad si gaar ah u leeyihiin ayaa sheegey in dad Dano Gaar ah leh khalkhal wadaan  kuwasoo shacabka uga digey iney dhageysan.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM