Wasaarada Waxbarashada PL oo ganacsatada lacag ka codsatey

Image

January 26, 2015 (GO)- Wasiirka waxbarashada ee Puntland Dr. Cali Xaaji Warsame ayaa ganacstada iyo qaybaha kale ee bulshada ugu baaqay in ay ka qayb noqdaan daabicida Manhajka cusub ee ay diyaariyeen.

Cali Xaaji warsame oo ka hadlayey geba-gebadii shirkii labada maalmood socday ee lagu ansixiyey Manhajka cusub, wuxuu sheegay in ay u baahan yihiin dhaqaale lagu daabaco buuggaagta Manhajka.

“nus milyan dollar ayaa ku baxaysa daabicidda, runtii waanu la gal-galan karnaa ilaa $200.000 oo dollar, waxaana idiika fadhinaa $300.000 oo kun oo ah doorkiina.” Ayuu yiri Cali Xaaji

Wasiirka ayaa ganacsatada ka dalbaday in ay lacagtaas iska soo aruuriyaan si dhaqso ah, isagoo shaaca ka dhigay in ay doonayaan in manhajka daabacaan ka hor dhamaadka sanadkan 2015-ka ee bilowga ah.

Manhajkan ayey ansixiyeen 180 ergo ah oo laba maalmood u fadhiyey Garoowe.

2011-kii ayaa Puntland bilowday samaynta Manhajka oo sida qorshuhu yahay ah kan lagu qaadan doono iskuulada waxbarashada asaasiga ah ee guud ahaan gobollada. Wasaaraddu waxay sheegtay in Manhajku yahay mid dhamaystirsan oo laga tala-geliyey bahda waxbarashada oo dhan.

Waxbarashada deeganada Puntland iyo Soomaaliya inteeda kaleba ayaa ku tiirsan Manhajyo shisheeye oo ay weliba iskuuladu ku kala duwan yihiin, kuwaas oo lagu eedeyo in ay xambaarsan yihiin afkaar ajinebi iyo kuwa xagjirnimo intaba.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo burcad-badeed ka badbaadiyey markab shidaal siday

Sida wararku sheegayaan, burcad-badeeddu waxay dalbanayeen madax-furasho dhan $3 milyan si ay u sii daayaan markabka.

  • Puntland

    29-09-2026

  • 12:18PM

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM