Wasaarada Waxbarshada Puntland oo amar ku soo rogtey Waalidiinta Ardeyda

Image

GAROWE, Puntland- Wasaaradda Waxbarashadda Puntland ayaa soo saartay amaro  lagu dardargelinayo bixinta Qoondada Qaaraanka ardeyda ee dhismaha Wadada Ceeldaahir-Ceerigaabo.

Qoraalka kasoo baxay Wasaaradda oo lagula hadlayey waalidiinta, ardeyda iyo Masuuliyiinta waxbarasho heer gobol, heer degmo iyo heer maamule iskuul, waxaa uu u qornaa sidatan:-

"Anigoo tixraacaya go'aankii kasoo baxay labada Golle ee Puntland Dowladda Puntland islamarkaasna Baarlamaanka DPL uu ansixiyey taariikhdu markay ahayd 26/03/2015 oo tibaaxayey: Ansixinta Qoondada Dhismaha Wadada Ceeldaahir-Ceerigaabo.

Kadib markii aan aragnay dibu-dhaca ururinta Qaaraanka wadada Ceeldaahir iyo Baahida weyn ee loo qabo si loo dardargeliyo bixinta lacagahaasi qaaraanka ah ee Bahwadaagta Waxbarashaddu kaga qeyb qaadanayaan Dhismaha Wadadaas waxaa Wasaaradda Waxabrashada iyo Tacliinta sare Go'oaamisay sidan hoos ku qoran:-

1-Waxaa si xushmad leh loogu wargelinayaa dhamaan waalidiinta in ay qaaraanka wadada Ceeldaahir-Ceergaabo ku daraan bixinta Fiiga/lacagta Dugsiyada bilkasta.

2-Waxaa lafarayaa dhamaan maamulayaasha dugsiyada in ay ardayda siwadajir ah ay uga qabtaan lacagta Fiiga iyo tan Qaaraanka wadada.

3-Sidoo kale Xarun kasta oo Waxabrasho waxaa lafarayaa in bilkasta lacagta Qaaraanka si joogta ay ugu soo gudbiyaan guddiga Dhismaha Wadada

Qoondada Qaaraan ee Ardey walba laga rabo inuu bilkasta Fiiga/lacagta kusoo daro waa sidaan hoos ku qoran:-

1-Ardeyda dhigata Jaamacadaha iyo Macaahida waxaa laga rabaa inay baxshaan bishii $1.25 (Hal doolar iyo shan iyo labaatan senti)

2-Ardeyda dhigata Dugsiyada sare waxaa laga rabaa inay baxshaan Bilkasta $1 (hal doolar).

3- Dugsiyada Hoose/Dhexe waxaa laga rabaa inay baxshaan bilkasta $0.5 (Nus Doolar).

Guud ahaan bahda Waxbarashadu waxay ku shubayaan lacagta Qaaraanka Dhismaha Wadada Ceeldaahir-Ceergaabo Akoonada kala ah:-

A.  Dahabshiil Bank:-  BSS006203 B.  Salaam Bank:-      80209230

*FG. Waxaa lafarayaa dhamaan Maamulayaasha, Guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo Guddoomiyeyaasha Gobollada ee Wasaaradda Waxbarashadda inay howshan fuliyaan sidoo kale waxay Wasaaraddu cadeynaysaa inay Aqoonsiga kala laaban doonto Xarumaha Waxbarasho ee Dhaqangelin waaya Awaamiirtan.

Wadasheyn Wacan, Hon. Prof. Abshir Yuusuf Ciise Wasiirka Waxbarashadda iyo Tacliinta Sarre"

GAROWEONLINE 

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM