Wasaarada Waxbarshada Puntland oo amar ku soo rogtey Waalidiinta Ardeyda

Image

GAROWE, Puntland- Wasaaradda Waxbarashadda Puntland ayaa soo saartay amaro  lagu dardargelinayo bixinta Qoondada Qaaraanka ardeyda ee dhismaha Wadada Ceeldaahir-Ceerigaabo.

Qoraalka kasoo baxay Wasaaradda oo lagula hadlayey waalidiinta, ardeyda iyo Masuuliyiinta waxbarasho heer gobol, heer degmo iyo heer maamule iskuul, waxaa uu u qornaa sidatan:-

"Anigoo tixraacaya go'aankii kasoo baxay labada Golle ee Puntland Dowladda Puntland islamarkaasna Baarlamaanka DPL uu ansixiyey taariikhdu markay ahayd 26/03/2015 oo tibaaxayey: Ansixinta Qoondada Dhismaha Wadada Ceeldaahir-Ceerigaabo.

Kadib markii aan aragnay dibu-dhaca ururinta Qaaraanka wadada Ceeldaahir iyo Baahida weyn ee loo qabo si loo dardargeliyo bixinta lacagahaasi qaaraanka ah ee Bahwadaagta Waxbarashaddu kaga qeyb qaadanayaan Dhismaha Wadadaas waxaa Wasaaradda Waxabrashada iyo Tacliinta sare Go'oaamisay sidan hoos ku qoran:-

1-Waxaa si xushmad leh loogu wargelinayaa dhamaan waalidiinta in ay qaaraanka wadada Ceeldaahir-Ceergaabo ku daraan bixinta Fiiga/lacagta Dugsiyada bilkasta.

2-Waxaa lafarayaa dhamaan maamulayaasha dugsiyada in ay ardayda siwadajir ah ay uga qabtaan lacagta Fiiga iyo tan Qaaraanka wadada.

3-Sidoo kale Xarun kasta oo Waxabrasho waxaa lafarayaa in bilkasta lacagta Qaaraanka si joogta ay ugu soo gudbiyaan guddiga Dhismaha Wadada

Qoondada Qaaraan ee Ardey walba laga rabo inuu bilkasta Fiiga/lacagta kusoo daro waa sidaan hoos ku qoran:-

1-Ardeyda dhigata Jaamacadaha iyo Macaahida waxaa laga rabaa inay baxshaan bishii $1.25 (Hal doolar iyo shan iyo labaatan senti)

2-Ardeyda dhigata Dugsiyada sare waxaa laga rabaa inay baxshaan Bilkasta $1 (hal doolar).

3- Dugsiyada Hoose/Dhexe waxaa laga rabaa inay baxshaan bilkasta $0.5 (Nus Doolar).

Guud ahaan bahda Waxbarashadu waxay ku shubayaan lacagta Qaaraanka Dhismaha Wadada Ceeldaahir-Ceergaabo Akoonada kala ah:-

A.  Dahabshiil Bank:-  BSS006203 B.  Salaam Bank:-      80209230

*FG. Waxaa lafarayaa dhamaan Maamulayaasha, Guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo Guddoomiyeyaasha Gobollada ee Wasaaradda Waxbarashadda inay howshan fuliyaan sidoo kale waxay Wasaaraddu cadeynaysaa inay Aqoonsiga kala laaban doonto Xarumaha Waxbarasho ee Dhaqangelin waaya Awaamiirtan.

Wadasheyn Wacan, Hon. Prof. Abshir Yuusuf Ciise Wasiirka Waxbarashadda iyo Tacliinta Sarre"

GAROWEONLINE 

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM