​Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo qabatay shir dib u eegsi ah

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Wasaaradda Caafimaadka Puntland, ayaa maanta magaalada Garowe ku qabtay shir looga hadlayay waxyaabahii wasaaradda u qabsoomay lixdii Bilood ee lasoo dhaafay.

Shirkan oo ay markii ugu horaysay ka qayb galeen xubno ku cusub wasaaradda oo kamid yahay Wasiir ku-xigeenka dhawaan loo magacaabay, ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray caqabadii soo wajahay wasaaradda iyo casharadii laga bartay.

Kulankan oo sannadkasta wasaaraddu qabato, ayaa sidoo kale lagu falanqeeyay waxyaabah la hiigsanayo mustaqbalka.

Agaasimaha Guud ee wasaaradda Caafimaadka Puntland Cabdirasaaq Xirsi Xasan, ayaa xusay inay lixdii bilood ee ugu horeeyay sannadkan la qabtay waxyaabo badan isagoo sidoo kale soo dhaweeyay mas’uuliyiinta ku cusub wasaaradda oo sheegay inay u taalo howl adag.

Wasiir ku-xigeenka cusub ee wasaaradda Caafimaadka Puntland, Dr. Cabdifataax oo furay kulanka ayaa wax lagu farxo ku tilmaamay shirkan iyo ujeedada loo qabtay isagoo xusay inay muhiimtahay in la isla eego wax qabadka wasaaradda.

Kulanka waxaa sidoo kale joogay qaar kamid ah hay’adaha wadashaqaynta la leh wasaaradda caafimaadka Puntland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM