Wasiirka Caafimaadka Puntland oo ka digay Cudurka Shuban biyoodka

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Wasaaradda Caafimaadka Puntland, ayaa maanta kulan u qabatay kooxo wacyigaliyaal ah oo dadka ka baraarujiya cudurrada Faafa kuwaasoo la isaga keenay caasumadda iyo deegaanada kale ee Puntland.

Kulanka oo ka dhacay xarunta wasaaradda Caafimaadka Puntland ee magaalada Garowe, ayaa waxaa ka qayb galay mas’uuliyiinta wasaaradda iyo qaybaha kala duwan ee bulshada oo u badnaa haweenka.

Khudbad uu dadka wacyigaliyaasha ah u jeediyay wasiirka Caafimaadka Puntland, Cabdinaasir Cismaan Cuuke, ayuu ku sheegay in loo baahanyahay sidii dadka looga baraarujin lahaa cudurrada faafa gaar ahaan Shuban biyoodka oo ka dillaacay qaybo kamid ah dalka Somalia.

Cuuke, ayaa tilmaamay inay abaartii waddanka ka dhacday ay galaafatay noole badan kuwaasoo haraaga bakhtigoodii ay qaateen islamarkaana baraagaha iyo goobaha kale ee biyuhu ku kaydsamayaan ku dareen roobabkii dhawaan da’ay.

Wasiirku wuxuu ku ammaanay dumarka oo u badnaa dadkii madasha joogay sida wanaagsan ee ay u baraarujiyaan shacabka, isagoo ugu baaqay inaysan ka caajisin sidii looga hortagi lahaa cudurrada sida dhakhsaha ah u faafa.

Isu socodka gaadiidka iyo dadka ayuu carrabka ku dhuftay inay qayb ka qaadato cuduurada faafa ee ka jira gobollada Somalia qaar kamid ah, wuxuuna soo jeediyay in la muujiyo feejignaan dheeri ah.

Dhinaca kale Wasiirka wasaaradda Caafimaadka Puntland, Cabdinaasir Cismaan Cuuke, aya la kulmay wafdi uu hogaaminayay qusulka safaarada Hindiya ee Soomaaliya Mr Rajesh Swami, iyagoo kawada hadlay arrimaha caafimaadka iyo dadaaladda ku aadan sidii looga hortagi lahaa cudurrada fida.

Wacyigalintan kuwo lamid ah ayaa wasaaraddu ka wadaa dhammaan gobollada Puntland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Deni oo ku dhawaaqay inuu billowday wajiga 2aad ee dagaalka Daacish [Sawirro]

Isagoo xusay in Ciidanka bandhigga sameynayey si khaas ah loo tababaray oo ay ka qeyb qaadan doonaan wejiga labaad ee hawlgalka oo bilwomaya.

  • Puntland

    30-01-2025

  • 03:04PM

Madaxweyne Deni oo Tusaale U Noqday Dagaalka Argagixisada Soomaaliya

Tallaabadan ayaa muujinaysa taageerada ballaaran ee shacabka Puntland iyo guulaha muhiimka ah ee ay gaareen ciidamada.

  • Puntland

    29-01-2025

  • 09:16AM