Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xustay maalinta Duumada

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

BOOSAASO, Puntland- Sannad kasta Maanta oo kale 25 April waxaa caalamka laga xusaa maalinta Duumada (Malaria) si loo iftiiminyo Khatarta ay leedahay iyo qaabka looga gaashaaman karo.

Magaalada Bosaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa Kamid ah Magaalooyinka laga xusay maalinta Malariyada adduunka, waxaana la sheegay inay tahay meesha ay ka jirto khatarta ugu wayn ee Maleeriyada guud ahaan deegaanada Puntland.

Munaasabada lagu xusayay isla markaana Bulshada looga wacyigalinayay dhibaatada Duumada oo ay soo Qaban Qaabisay Wasaradda Caafimadka Puntland iyo Hay’daha kala Shaqeeya arrimaha Mallaariyada ayaa lagu Qabtay Hoolka Jaamacadda Culuumta Caafimadka ee Magaalada Boosaso.

Dr Abdikariin Xuseen Xasan oo ah madaxa la dagaalanka Malariyada ee Puntland ayaa ka sheekeeyay waxyaabaha Sababay in Gobolka bari oo aan Awal Duumada lahayn uu haatan noqdo meel ay ka jirto khatarta Duumada sii faafaysa, Wuxuuna Nasiib Darro ku tilmaamay in Magaaladan noqotay Hoygii Malaaryada.

Wuxuu intaas ku daray in sanadkii 2017, Dad Gaaraya 5124 (Shan kun Boqol labaatan iyo Afar) iska Baareen Goobaha Caafimadka iyadoona 1364 (Kun Sadex Boqol Lixden iyo Afar) Kamid ah Laga Heley Xanuunka Duumada/Malaria-yada.

Wasiir ku Xigeenka Maaliyada Puntland Ahna Duqa KMG ah ee Degmada Boosaso, Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan ayaa sheegay in si dhaw xiriir ula sameyn doonaan Wasaradda Caafimdka Puntland.

" Waxaan Balanqaadayna inaan wax ka badal ku Sameyno, Nasiib darada u soo hoyatay Boosaso oo ah iney noqotay Hooyadii Malaaryada Soomaaliya, Waana ka xumahay inaan Makaroofanka soo istaagno anagoo Masuuliyiintiinii ah, oon Dhahno Waan Ka xunahay, Taasi Qiil noo noqon Mayso, Laakiin waxaan ku da'daalayna inaan Sanadka Danbe Waxbadan ka badali doono Warbixinta Naxdinta leh ee hadda Goobta laga soo Jeediyay" Ayuu Yiri Duqa KMG ah ee Degmada Boosaso, Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan.

Dhinaca Kale Gudoomiyuhu Wuxuu Sheegay iney Wax ka qaban doonaan Barkadaha laga dhisto Guryaha Dushooda Kuwaas oo Laftoodu Qeyb ka ah Dhibaatada caafimad darro ee ka jirta Deegaanka, Taasina ay noqon karto Xal wanaagsan oo looga Hortago Xanuunka Duumada.

Gudoomiyaha Gobolka Bari Yuusuf Maxamed Waceys Dhedo, Ayaa ka Codsaday Wasaaradda Caafimadka Puntland Iney la timaado Qorshe Cad oo looga Hortagayo Dhibaatada Malaaryada, Iyaguna ay diyaar u yihiin Fulinteeda, laakiin Wasaarada laga doonayo iney la Timaado Qorshe cad oo lagu ciribtirayo Duumada

Cabdirashiid Maxamed Xirsi Wasiirka Kalluumaysiga Iyo Khayraadka Badda Puntland oo Ugu Danbeyn Munaasibada Soo Xiray ayaa Ku Amaanay Wasaarada Caafimadka ee Dowladda Puntland Shaqada Culus ee ay u hayaan Shacabka Soomaaliyeed, isagoona Cadeeyay hadii aan la garab istaagin inuusan guuleysaneen Qorshayaasha balaaran ee Lagu Ilaalinayo Caafimadka Bulshada.

"Waxaan Aad ugu Faraxsanahay in Maamulkii Degmada iyo Gudoomiyihi Gobolka ay balanqaadeen iney Garab taagnaan doonaan Wasaarada Caafimadka, Taasina waxey sabab u noqon doontaa in Laga bad baado Khatarta Xanuunkan, iyo Sidii loo Yareyn Lahaa Barkadaha Biyaha lagu Keydsado ee Ku Soo Badanaya Xaafadaha ee Magaalada Boosaso " Ayuu Yiri Wasiir Cabdirashiid Maxamed Xirsi.

Ugu Danbeyn Masuuliyiin Kale oo ay kamid yihiin Isuduwaha Wasaaradda caafimadka ee Gobolka Bari, Gudoomiyaha Ururka Haweenka ee Gobolka Bair, Wakiilo ka Socday Xaafadaha Magaalada Boosaso, iyo Kaamamka Barakacaaysha ayaa iyaguna dhinacooda Balan qaaday iney sii xoojin doonaan Wacyigalinta Bulshada ee Khatar Xanuunkan.

Xafladu Markey soo Dhamaatay Kadibna, waxaa isla Goobtaasi Baaritaan Lacag la'aan ah loogu sameeyay Qaar kamid ah Ka soo qeybgalayaashi Xafladda iyo Madaxda Ka socotay Dowladda Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wafdi ka socda Shiinaha oo la kulmay Madaxweynaha Puntland [Sawirro]

Shiinaha ayaa saameyn ku yeelanayay sanadihii dambe dalka Soomaaliya, waxuuna dagaal kula jiraa Taiwan.

  • Puntland

    08-01-2025

  • 11:24AM

Puntland oo beenisay in ay cagaf-cagaf ka heshay dowladda federaalka

Tani ayaa waxay muujineysaa in mashruucan lagu marin-habaabiyo bulshada Soomaaliyeed.

  • Puntland

    07-01-2025

  • 06:32AM