​Wasaaradda Caddaaladda oo ka tacsiyaysay geerida Cali Gar-gaar

Image

GAROWE, Puntland- ALLAH ha u naxariistee, waxaa saaka magaalada Garowe ku geeriyooday Agaasimihii maamulka ee wasaaradda Caddaaladda Puntland, Cali Warsame oo loo yaqaanay Cali Gar-gaar.

Marxuumka ayaa u geeriyooday xanuun hayay muddo kooban, kaasoo markii dambe cusbitalka loo jiifiyay.

Agaasimaha wasaaradda Caddaaladda Puntland, Maxamed Cali Faarax oo la hadlay Radio Garowe, ayaa marxuumka Tacsi u diray, isagoo sheegay inuu ahaa shakhsi wanaagsan oo dadku jecelyihiin, kaasoo lagu xasuusan doono wax-qabad wanaagsan.

Wuxuu intaas ku daray inuu kamid ahaa dadkii lagu aas-aasay wasaaradda Caddaaladda Puntland, sannadkii 1998.

Agaasimaha ayaa Rabbi uga baryay inuu ka waraabiyo naxariistiisa caamka ah.

EEBBE naxariistii ha ka waraabiyee Cali Gar-gaar ayaa muddo dheer ka shaqaynayay wasaaradda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM