Wasaaradda Deegaanka Puntland oo billowday fulinta Xeerka Sahminta Degaanka

Image

GAROWE, Soomaaliya - Wasaaradda Deegaanka, Daaqa iyo Isbedelka Cimilada Puntland ayaa fulinaysa xeerka sahminta Saamaynta Deegaanka iyo Bulshada kaasoo sanadkii tagey uu Baarlamaanka Ansixiyay.Xeerka ayaa dhigaya in bulshada laga qeyb-geliyo, wadatashiyo lagala sameeyo mashruuca maadaama uu saameynayo noloshooda iyo degaanka ay ku nool yihiin kahor inta aysan wasaaraddu si rasmi ah u ansixin.

Waxaa loogu soo bandhigay Bulshada Garowe mashruuca R Wash oo 3 ceelal oo 2 kamid ah ay noqondoonan kuwo aad u gun dheer ka hirgalindoona magaalada.
Qorshaha Maareynta Saamaynta Deegaanka iyo Bulshada(QMSDB), waxaa si gaar ah loogu diyaariyey in lagu sahmiyo laguna tijaabiyo qodista ceelasha iyo shaqooyinka horumarineed ee bulshada, kuwaas oo loogu talagalay in biyo lagu gaarsiiyo bulshada iyo qaxoontiga ku nool magaalada Garowe ee Puntland, Soomaaliya.
 
Sida ku cad warbixinta baadhista hordhaca ah, tijaabada iyo qodista ceelasha waxay hoos imaanayaan noocyada mashaariicda ‘T’ ee xeerka Puntland, taas oo macnaheedu yahay in hawlaha qodistu aanay keeni doonin saamayn deegaan oo aan lala tacaali karin. Sidaas darteed, natiijada baadhistu waxay soo jeedisay in loo diyaariyo
QMSDB oo ay ku jiraan tijabada qodista ceelasha iyo natiijada kasoo baxda.
 
Qorshahaan waxaa wax kabedelid lugu samaynkaraa marka la ogaado tirada ceelasha la qodi doono, la go'aamiyo goobta saxda ah ee ceelasha iyo agabka. Si loo go'aamiyo nooca biyaha dhulka hoostiisa iyo ceelka ugu wanaagsan, waxaa la qorsheeyay in la qodo saddex ceel oo tijaabo ah (labo ceel oo gaagaaban iyo mid dheer).
 
Noocyada biyaha ee dadwaynaha magaalada Garoowe isticmaalaan ayaa inta badan ka yimaada ceelal biyo cusbo leh. Habraaca tayada biyaha ee WHO ayaa muujinaya in biyaha ceelasha riigga ah ee ka jira magalada aysan ahayn kuwo la cabbi karo.
 
Si loo xalliyo dhibaatada milixda ee biyaha, shirkadda biyaha ee Nugaal waxay keentay nidaam casriyeysan oo biyaha lagu nadiifiyo isla markaana lagu macaaneeyo kaas oo loo yaqaan (Reverse osmosis technique).
 
Waxaa la qorsheeyey saddex ceel , oo kala ah labo ceel oo gaagaaban iyo mid gun dheer, iyada oo lagu salaynayo tayada iyo wax soo saarka ceelashan. Hormarinta tayada biyaha magaalada Garowe (bulshada iyo barakacayaasha) ayaa muhiimad gaar ah u leh baahida biyaha ee bulshada iyo kor u qaadista caafimaadka iyo nadaafadda ka-faa'iideystayaasha gaar ahaan haweenka u xilsaaran biyo-ururinta qoyskooda.
 
GAROWE ONLINE
 

Related Articles

Ciidamada Puntland oo qabtay Ajaaniib sameynayay Kalluumaysi Sharci-darro ah 

Safaaradda Yemen ee magaaladda Muqdisho iyo hay’adaha kale ee Soomaaliyeed ayaa lagu wargeliyay arintan.

  • Puntland

    26-05-2025

  • 08:01AM

Deni: Xisbiga Xasan Sheekh wuxuu khatar Ku yahay Nidaamka Federaalka iyo Jiritaanka Jubaland

Xasan Sheekh ayaa lagu eedeeyay inuu wado qorshe doorasho uu maamulkeeda kaligiis leeyahay, natiijadeedana uu sii ogyahay.

  • Puntland

    14-05-2025

  • 12:11PM